Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Isbaaheysiga Xisbiyada Mucaaradka?

0
1759

Hargeisa (Hargeisa Press) – Labada xisbi mucaarad ee Somaliland ee Ucid iyo Waddani, ayaa maalintii labaad shir ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Labada xisbi oo shalay ku dhawaaqay isbahaysi siyaasadeed, ayaa shirkoodu ku saabsan yahay sidii ay isaga kaashan lahaayeen doorashada shirgudoonka iyo maayarada magaalooyinka.

Labada xisbi mucaarad, ayaa marka la isku daro tirada xildhibaannada ee ay doorashada ka heleen waxay noqoneysaa 51 xildhibaan, taas oo ka dhigan in kuraasta aqalka Wakiilada oo ka kooban 82 xildhibaan ay mucaaradku heleen boqolkiiba 62 kuraasta.

Waana aqlabiyad xooggan oo ay ku doonayaan inay si wada jir ah ugu helaan shir guddoonka Wakiillada.

Mas’uuliyiinta shirkan ka qayb galay, ayaa sheegay, in shirka uu socon doono ilaa dhowr maalmood, iyada oo la iska kaashan doono sidii labadan xisbi ay u heli lahaayeen shir guddoonka aqalka Wakiilada iyo Maayarada magaalooyinka.

Shirkan labada xisbi mucaarad, ayaa waxaa la filayaa in ay ku soo biiri doonaan, mas’uuliyiin kale oo ka soo socda gobolo kale.

LEAVE A REPLY