Maxaa Ka Jira Kulanka Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Oo Xogo Kasoo Baxayaan?

0
1234
Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi i iyo gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xogo madax-banaan oo nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in xalay uu kulan dhex maray gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,

Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu xalay gurigiiisa booqasho ugu tagay gudoomiyaha golaha guurtida,waxaana la sheegay in halkaasi uu kulankan ku dhex maray labadan masuul.

Kulankan ayaa ahaa sida xoguhu noo sheegeen mid salka ku haya dib u dhaca ku yimi doorashada madaxtooyada iyo muddo kordhinta la filayo in golaha guurtidu u sameeyaan xukuumadda madaxwayne Siilaanyo .

Waxaana Muuse Biixi la sheegay in uu gudoomiye Saleebaan kala hadlay arrimaha muddo kordhinta ee golaha guurtidu samaynayaan isaga oo ka codsaday inuu tixgaliyo go’aanka ay isla qaateen saddexda xisbi qaran,guddiga doorashooyinka iyo madaxwayne Siilaanyo ee ah in doorashada dib loo dhigo muddo Lix Bilood ah,balse xogahan ayaa waxay tibaaxeen in uu gudoomiye Saleebaan ugu jawaab celiyey Murrashax Muuse in xildhibaanadu ay cod aqbalabiyad ah u qaadayaan mudada la kordhinayo ayna guddi u saarayaan si ay usoo indho indheeyaan xaalada abaareed ee dalka ka jirta balse uu rajaynayo in xildhibaanadu ay tixgaliyaan codsigaa madaxwaynahu usoo gudbiyey golaha ee ah in xildhibaanadu meel mariyaan go’aanka saddexda dhinac isla qaateen ee ku astaysan in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo Lix Bilood ah lana qabto 10.10.2017-ka.

Ilaa hadda ma jiraan warar faahfaahsan oo rasmi ah oo kasoo baxaya kulankan la sheegay inuu dhex maray gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.

Gabagabadiina gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu aad uga walaacsan in golaha guurtida kordhiyaan doorashada muddo ka badan inta ay isla qaateen saddexda xisbi qaran,guddiga doorashooyinka iyo madaxwayne Siilaanyo taas oo uu ka cabsi qabo inay saamayn siyaasadeed ku yeelato.Waxaana bulshada Somaliland u wada dhag taagayaan muddada ay golaha guurtida kordhiyaan doorashada madaxtooyada Somaliland.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here