Maxaa Ka Jira In Wadahadal Dhexmaray ONLF iyo TPLF?

0
1256

Jigjiga (Hargeisa Press) – Qaar ka mid ah asxaabta mucaaradka ah ee dalka Itoobiya, ayaa ku baaqay wadahadal qaran si loo soo afjaro dhammaan khilaafaadka jira islamarkaana wax laga qabto dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ka taagan qeybo kamid ah Itoobiya.

Ururka ONLF ee deegaanka Soomaalida, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wada -hadal loo maro sidii lagaga bixi lahaa xiisadda taagan dalkaas, halka Xisbiga Dimuqraadiga ee Hibir uu isna hore u soo saaray baaq kan la mid ah.

Afhayeenka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa sheegay in aragtidoodu ay tahay in la joojiyo dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya islamarkaana wadahadal lagu xalliyo xiisadda.

“Qowmiyadda Soomaalida dagaallo badan baa ku soo dhacay oo ay dowladda Itoobiya hoggaamineysay, marka khibrad baan u leenahay dagaallada dowladda Itoobiya ka dhex dhaca, sidaa daraadeed waxaan u aragnaa dhibaatada taagan in lagu xallin karayo in xoggaga dagaallamayo in dagaalka ay joojiyaan”

“Maya anaga wax xidhiidh ah nalama ayna soo sameyn, sida uu dagaal inoo dhexmaray, wadahadal nama dhexmarin, TPLF wax xidhiidh ah oo anaga nala soo sameysay ma jiro.” Ayuu yidhi Caddaani Hirmooge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here