Maxaa Ka Jira In Cali Khaliif Uu Muqdisho Ka Wado Aasaaska Maamul-Goboleed Beriga Sanaag, Sool iyo Buuhoodle?

0
744

Muqdisho (Hargeisa Press)- Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyey ka socday kulamo iyo shirar uu hor boodayo Proff. Cali Khaliif Galaydh oo ah hogaamiyaha Khaatumo, kuwaas oo inta badan diirada lagu saarayo qorshayaal kala duwan oo ku aadan dalka.

Doorashada soo socota ee sanadka 2021 ayaa qayb ka ah kulamadani, waxaana Cali Khaliif Galaydh uu xooga saarayaa haatan sidii xildhibaanada Baarlamaanka Somalia kasoo gala deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn loogu dooran lahaa gudaha magaalada Muqdisho. taas oo ay ka qayb qaadanayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo shakhsiyaad kale oo kasoo jeeda deegaanada SSC.

Inkasta oo Cali Khaliif iyo siyaasiyiinta ku wehelisa aanay war rasmi ah siinin warbaahinta, haddana sida ay noo xaqiijiyeen illo ku dhawdhaw abaabulkaas, damaca ugu weyn ee Mr. Galaydh ayaa lagu sheegay sidii loogu dhisi lahaa maamul u gaar ah deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn kaas oo la sheegay in lagu midayn doono Beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante.

Sida ilo wareedyadu ay noo xaqiijiyeen, madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayuu u bandhigay qorshihiisa kuwaas oo iyaguna muhiimad gaar ah siinaya si cadaadis xoogan ay ku saaraan dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

Xogaha ayaa intaasi raacinaya, Ganacsato, Qurba joog iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa la sheegay in uu garab ka haysto Galaydh, kuwaas oo dadaal badan ku bixinaya hirgelinta maamul cusub oo ay dowladdu taageersan tahay.

Subaxnimadii sabtidii dorraad ayaa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho, waxa ka dhacay kulan u dhaxeeyey Cali Khaliif Galaydh iyo dhalinyarada kasoo jeeda deegaanada SSC, kuwaas oo qaarkood ay u hanqal taagayaan kamid noqoshada maamulkiisa iyo xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ee soo socda oo uu Galaydh dadaal ku bixinayo in aanan lagu dooran magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni oo haatan xidhiidh wanaagsan xukuumaddiisa kala dhaxayn madaxda Somalia, ayaa isna fara gelin u arka qorshaha Cali Khaliif, isagoo markiiba fal-celin ka sameeyay, kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha guddaha Puntland oo ku taariikhaysan 19 Octoobar 2019, wareegtadaas oo qeexaysa in dawladda federaalka iyo maamulka Puntland aanu jirin wax heshiis ah oo ay kaga wadahadleen hanaanka ay iman doonaan xildhibaannada cusub ee imaan doona, sidoo kale digreetada ayaa amraysa in xildhibaannada Somalia kaga jira Puntland ay kusoo xeroodaan Puntland, iyadoo lagu xulan doono hab-qaybsiga beelaha oo aan lagu xulan doonin hab-deegaan-doorashada dawladda Farmaajo wado

Wareegtadan ayaa jawaab u ah dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Cali Khaliif iyo siyaasiyiintiisu ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Cali khlaiif ayaa hargeysa markii uu ka ambobaxayay sheegay inuu muqdisho u tegayo dano isaga khaas u ah, isagoona xusay in wadahadalkii Khaatumo iyo Somaliland meel fiican marayaan, wixii ka qabyo ahna uu soo laabadkiisa dhamaystiri doono

Nuqulka wareegtadan ayaa u dhignayd sidan:-

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here