Masuul Ka Tirsan Maamulka Puntland oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

0
1377

Gaalkacyo (Hargeisa Press)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa goor dhowayd oo caawo ah magaalada Gaalkacyo ku dilay allaha unaxariistee Mukhtaar Ahmed Omar Tinle, oo kamid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Gaalkacyo ee dhinaca Puntland iyo qof kale oo shacab ah.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu kamid ahaa dhallinayarda firfircoon ee ka shaqeyn jiray horumarka iyo isdhexgalka dhalinyarada gobolka Mudug. sidoo kale wuxuu ahaa ganacsade.

Markii ugu dambeysay ee uu kasoo muuqdo warbaahinta waxay ahayd afartii bishii February ee sanadkan, isagoo xilligaas laga duubayay muuqaal uu kaga hadlayay shahaadooyinkii laga xanibay ardayda Puntland ee markii dambe la fasaxay.

Magaalada Gaalkacyo kuma cusba dilalka caynkan oo kale ah. Bishii labaad ee isla sanadkan, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, oo ahaa nabaddoon iyo guddoomiye xaafad katirsan waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Dilalka caynkan ah ayaa waxaa inta badan sheegta ururka Al-shabaab.

 

Hargeisa Press Desk/Garoowe Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here