“Maskaxda daciifka ahi duruufaha soo kordha dhib ayay u aqoonsataa…”

0
943

Somaliland laga soo bilaabo May 1995 oo uu Madaxweyne Cigaal laba jeer kordhistay muddo xileedkiii la doortay. 2015-kii markii laba sano ayuu korodhsaday madaxweyne Siilaanyo, mar kasta waxaa taagnayd duruuf siyaasadeed oo dalka ka abuurta xasilooni darro ama ugu yaraan hubaanti la’aan siyaasadeed, dhaqaale, diblumaasiyadeed iyo amni. Taas oo sababtay dhaawac aan dhaqso loo dareemayn cawaaqibkiisa, laakiin ay tahay hubaal in warankaasu yahay mid ku maqan dawladnimada.

Duruuftaas ka dhalatay in madaxweyne kastaa dheeraad u qaato muddo ku dhow kala badh muddo xileedka la doortay, waxaa barbar socda muran sharci oo marka muddo xileedku soo dhowaado cirka isku shareera.
Nasiibdarro mar keliya cashar lagama baran; lama helin madaxweyne is xilqaama oo saxa waxa qaldan si aanay duruuftaasi u soo noqon ama goleyaal sharci dejineed iyo garsoor, xisbiyo mucaarad iyo xitaa dadka saamaynta bulsho leh oo inta aanay dhibtaasi iman ka sii hawlgala sidii aanay u soo noqon lahayn.
Sideedaba waxaa la yidhaahdaa, ‘Maskaxda daciifka ahi duruufaha soo kordha dhib ayaa ay u aqoonsataa’ laakiin maskaxda bisil ee xoogganina, ‘Duruufaha soo maraya, waxa ay ka dhigataa fursad ay ku barato cashar, si aanay dib ugu soo noqon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here