‘Masiibada Waddanka oo Dhan Wada Haysataa waa Muranka Arrimaha Dhulka’

0
949
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo iftiimiyey in muranka dhulku yahay masiibo haysata qaranka Somaliland + shirar uu la qaatay Booliska iyo bahda Garsoorka ee Gobolka Awdal

Hargaysa,(HargeisaPress)—Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in muranka iyo khilaafaadka la xidhiidha arrimaha dhulku uu yahay masiibo haysata waddanka Somaliland oo dhan.

Sidan waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku sheegay hadal uu ka jeediyey kulan isaga iyo wefti ka kooban bahda garsoorka Somaliland ay la qaateen maalintii Salaasada Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee Gobolka Awdal, kulankaas oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Awdal, Maxkamadda Racfaanka iyo Degmada Boorama.

“Hal caqabad ah ayaa jirta oo waa khilaafaadka ka dhasha arrimaha dhulka oo sida la ogyahayna dhulku waa masiibo haysata waddanka oo dhan. Waayo dhulkan la isku haysto waa dhulkii qaranku lahaa oo dhulkii qaranka ayey dadku wada boobeen markii uu qarankii talax-gabay ee uu itaalkiisii yaraaday, kadibna iyagii (dadweynaha) ayaa isku haysta, markaa masiibada waddanka oo dhan wada haysataa waa muranka arrimaha dhulka,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Waxa kaloo uu ka warbixiyey ujeedada kulanka ay la qaateen Booliska iyo bahda Garsoorka Gobolka Awdal, waxaannu yidhi; “Ujeedada ugu weyn ee aannu u nimid Gobolka Awdal waxa weeyaan in marka laga yimaad kormeerkan aannu samaynayno in hay’adaha amniga, caddaaladda iyo garsoorka ee aannu madaxda u nahay ama waaxda aannu ka tirsannahay, iyadoo uu qaranku u kala qaybsan yahay waaxyo kala duwan, waxa weeyaan in aannu la fadhiisano, dhegaysanno iyo in marka ay ugu yartahay u mahadnaqno, waayo shaqo culus oo runtii ay duruuf adag ku shaqaynayaan ayey hayaan. Waxa kaloo aan tilmaamayaa in boolisku ay iyagu fuliyaan xukunnada ka soo baxa Maxkamadaha, waana hay’adda wax fulisa, markaa waxa aannu ognahay in si fiican ay u socoto.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa kula taliyey Ciidanka Booliska inay dambiyada fudud ku dhex xaliyaan saldhigyada, si culayska looga yareeyo xarumaha garsoorka iyo jeelasha Somaliland.

“Dadka aad soo qabqabataan ee la soo xidho waxa ku jira dambiyo fudud oo ay ka mid yihiin sida, carruur yaryar, xaafado is-shiiday oo aan gaysan dhaawacyo waaweyn, balse buuq uun sameeyey, markaa dambiyadaas fudud si aanay saldhigyadana culays ugu samayn, marka Maxkamad la geeyo ee la xukumana aanay xabsiyada culays ugu samayn, sidoo kalena aanay culays ugu samayn maxkamadaha iyo xeer-ilaalinta, waxa aan idinkula talinayaa in aad kiisaskaas fudud ku xallisaan saldhigga dhexdiisa oo aad culayska leexisaan,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxa kaloo uu ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee booliska iyo bahda kala duwan ee Hay’adaha Garsoorka, waxaannu yidhi; “Waxa muhiim ah waxbarashada, markaa waxa aannu imminka wadnaa oo aan idiinku bushaaraynayaa in ka hor inta aanan noqon (dib ugu laaban Hargeysa) aannu heshiis la galno Jaamacadda Cammuud iyo Jaamacadda Eelo, markaa waxa aan idiin soo jeedinayaa in marka ay dhammaato (heshiiska la galo), anaguna waannu idinla socodsiinaynaa ee waa in wixii dhammaada aad ka faa’iidaysataan.”

Taliyeyaasha Booliska Gobolka Awdal oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in ujeedada kulanku la xidhiidhay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexaysa Booliska iyo Bahda Garsoorka Somaliland, iyagoo saraakiisha Boolisku ballanqaadeen inay la shaqayn doonaan muddada Maxkamadda Sare ka shaqaynayso degaannada Gobolka Awdal.

Geesta kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland waxa uu xadhigga ka jaray masjid laga dhex dhisay xarunta Maxkamadda Gobolka Awdal, kaasoo ay dhismihiisa iska kaashadeen Guddoomiyaha Maxkamaddaha Gobolka Awdal, Racfaanka iyo Degmada, isagoo xusay in masjidkani yahay mid barako xambaarsan oo ay muhiim tahay in bahda garsoorka loo soo dhaweeyo masjid ay ku dhex cibaadaystaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu kormeer ku tegay Saldhiga Dhexe ee Booliska Boorama, iyadoo uu u kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin maxaabiista kala duwan ee ku xidhan saldhiggaas.

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Booliska magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo warbixin siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sheegay saldhigaas la dhisay sannadkii 1968-kii, isagoo ka xog-waramay qaybaha kala duwan ee uu saldhiggu ka kooban yahay oo kala ah; xafiiska Taliyaha Saldhigga, xafiiska Baadhista, xafiiska OB-ga, laba qol oo qaybta kaydka ah, saddex qol oo maxaabiista loogu talogalay.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com  

LEAVE A REPLY