Mashruuc Biyo Balaadhin Loogu Samaynayo Berbera Oo La Bilaabay

0
673

Berbera (Hargeisa Press.com): Wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland ayaa magaalada Berbera ka bilaabay mashruuc Biyo ballaadhin ah oo uu dhawaan dhagax dhigay madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Mashruucaasi biyo balaadhinta ah ayaa biyaha laga keenayaa  masaafo gaadhaysa ilaa 13 kiilo mitir meel u jirta magaaladda Berbera.

Munaasibadii mashruucaasi lagu shaacinayay waxaa ugu horayn hadal ka jeediyay qaar ka mid ah Injineerada gacanta ku haya mashruuca Biyo-ballaadhinta magaalada Berbera oo ka xogwaramay sida ay hawshu u socoto.

Iyagoo sheegay in Biyo-balladhinta ay ka samaynayaan dhinaca bari ee magaalada oo markii hore biyo la’aani ka jirtay isla markaana ay meel wanaagsan wax u marayaan.

Waxaanay intaas ku dareen injineeradu in mashruucan uu maalgaliyey Bangiga horumarinta Afrika iskana kaashadeen hirgalintiisa xukuumada Somaliland iyo hay’adda Care waaxdeeda fulinta, waxayna bulshada reer Berbera ugu bushaareeyeen inay dhawaan heli doonaan biyo ku filan.

Waxaa kale oo halkaas ka hadlay maareeyaha wakaalada Biyaha ee Berbera Saleebaan C/raxmaan Loolyo.

Waxaanu  sheegay inay ku dedaalayaan sidii magaalada Berbera u heli lahayd biyo ku filan, wuxuuna maareeyuhu iftiimiyey in mashruucani wax weyn ka tari doono baahida dhinaca biyaha.

Isagoo dadka ku dhaqan Berbera ugu bushaareeyey inay bil gudaheed ku heli doonaan biyo nadiif ah oo ku filan.

Geesta kale maareeyaha wakaalada biyaha Berbera waxa uu u mahad celiyey madaxweynaha iyo masuuliyiinta wasaaradda horumarinta Biyaha oo uu sheegay inay ahmiyad weyn siiyeen sidii dadka reer Berbera Biyo ku filan u heli lahaayeen.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY