Mashiin Somaliland Laga Xaday oo Puntland Laga Iibiyay

0
1716

Ceerigaabo (Hargeisa Press) – Mashiinkii baadhista dhiigaga ee uu lahaa cisbitaalka magaalada Ceerigaabo, ayaa la sheegay in la xaday islamarkaana loo iib geeyay magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Mashiinkan, ayaa la sheegay in wasaarada caafimaadka Somaliland qarinayso cida mashiinka xaday ee u iib gaysay magaalada Garoowe.

Mashiinkan oo ahaa shaybaadhka kaliya ee uu lahaa cisbitaalka magaalada Ceerigaabo, ayaa lagu baadhi jiray dhiigaga.

Sidoo kale, mashiinkan laga xaday cisbitaalka magaalada Ceerigaabo, ayaa qiimo ahaan taagnaa $20k.

Dad, ayaa ku eedaysan oo lagu tuhunsanyahay xadista mishiinkan, iyad oo aan ilaa hada wasaarada caafimaadka Somaliland aanay si cad u sheegin dadka xaday oo ay qarinayso.

Xukuumadda Somaliland, ayaan ilaa hada ka hadal mashiinka laga xaday cisbitaalka magaalada Ceerigaabo ee loo iib geeyay magaalada Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here