Markab Ku Xidhnaa Dekadda Berbera Oo Dab Qabsaday

0
388

Berbera (HP): Ciidanka Dab-damiska magaaladda Berbera ayaa u gurmaday Dab ka kacay Markab taagnaa xeebta Badda ee magaaladda Berbera.


Waxaanay ciidamadda Dab-demisku ku guulaysteen in ay demiyaan Dabkii Markabka ka kacay.
Hawl-galka bakhtiinta Markabka ayaa socday muddo laba sacadood ah sida ay sheegeen ciidanka dabdamiska ee gobolka Saaxil.
Markabka gubtay oo ay lahayd shirkada Darwiish Constructor, oo madhna isla markaana aanay wax xamuul ahi saarnayn ayay damintiisa kala qayb qaateen ciidanka dabdamiska garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera.
Ciidanka dabdamiska ee gobolka Saaxil may sheegin wax khasaare nafeeda oo ka dhashay shilka gubashada Markabkaasi, isla markaana illaa hadda wax wara oo intaas ka badan may soo saarin.

Guud ahaan ciidanka Dabdamiska Somaliland, ayaa noqday ciidan saacadkasta heegan ah una taagan gurmad joogta ah nafa badan iyo duunyo badana badbaadiyay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY