Mareykanka oo Xayiraad Ku Soo Rogay Shiinaha Sababo La Xidhiidha Muslimiinta Uighur

0
868

Washington (Hargeisa Press)- Mareykanka ayaa saraakiisha xudduudaha ku amray in aanay ogolayn in dalkaasi la soo geliyo shixnadaha qaar ee laga soo dhoofiyo qeybo ka mid ah dalka Shiinaha.

Shixnadahani ayaa waxaa ku jira dhar, qeybo ka mid ah koombiyuutarrada iyo qalab kale oo lagu soo farsameeyay gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha.

Tallaabadaasi ayaa qeyb ka ah tallaabooyin maamulka madaxweyne Trump uu cadaadis ku saarayay dowladda Shiinaha, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha sida dowladda dalkaasi ay ula dhaqanto mulsimiinta Uighur ee gobolka Xinjiang.

Mareykanka ayaa sheegaya in muslimiinta gobolkaasi lagu hayo xeryo isla markaana la addoonsado oo si xoog ah loogu shaqeysto.

Dowladda Shiinaha ayaa la rumeysan yahay in ay u xidhan yihiin in kabadan hal milyan oo qof, kuwaa oo ka tirsan muslimiinta gobolkaasi Xinjiang.

Haseyeeshe dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in barnaamijkaasi uu yahay mid dadka xeryahaasi ku jira lagu barayo aqoon badan oo ay u baahan yihiin isla markaana uu muhiim u yahay la dagaalanka argagixisada iyo halista kooxaha gooni ugoosadka.

Xukuumadaha Washington iyo Beijing ayaa dhawr jeer oo hore isugu dhacay arrimo la xidhiidha barnaamijkaasi Shiinaha, waxaana Mareykanka uu Beijing ku eedeeyay in ay ku tumato xaquuqul insaanka.

Mark A. Morgan oo ah ku simaha madaxa hay’adda Mareykanka u qaabilsan ilaalada kastamyada iyo xadka ayaa sheegay in amarkani ugu dambeeyay ee ka soo baxay Washington uu farriin cad u yahay beesha caalamka in Mareykanku aanu aqbali doonin in dad lagu shaqeysto isla markaana lagu tunto xaquuqda aadanaha.

Xayiraadahan ka dhanka ah badeecooyinka qaar ee Shiinaha uu u soo dhoofiyo Mareykanka ayaa ka fudud kuwo la filayay in Washington ay ku soo rogto ganacsiga Shiinaha.

Haseyeeshee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in wali ay ka fiirsanayaan in xayiraado dheeri ah ay ku soo rogaan Shiinaha oo uu xifaaltan ganacsi kala dhaxeeyo Mareykanka.

Shiinaha ayaa soo saara qiyaastii 20% suufka ugu badan caalamka, kaa oo intiisa badan ka yimaado gobolka Xinjiang. Gobolkaasi ayaa sidoo kale waxa uu qani ku yahay waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin wershadaha dalkaasi Shiinaha.

LEAVE A REPLY