Mareykanka oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Ka Baxayo Heshiiska Xakameynta Diyaaradaha Hubeysan Uu hore U Galay

0
1383

Washington (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay ka baxayso heshiiska muhiimka ee oggolaanayey diyaaradaha aan hubeysnayn iney hawada waddamada heshiiska saxeexay ay si xor ah u dul maraan, heshiiskasi oo loo yaqaanno ‘Open Sky Treaty’.

Heshiiskan oo 2002 hirgalay ayaa loo diyaariyey si waddamada saxeexay dhexdooda looga abuuro kalsooni ah iney hawada iska soo weerarin.

Mas’uul sare oo dowladda Mareykanka ka tirsan wuxuu sheegay inuu dalkiisu uu heshiiskan uga baxayo maadaamaa uu Ruushka marara badan uu ku xadgudbay heshiiskaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu isna sheegay in la joogo “fursaddi ugu wanaagsaneyd oo heshiis cusub” lala geli lahaa Ruushka.

“Waxaan u maleynayaa inaan xidhiidh wanaagsan la leennahay Ruushka, balse Ruushka ma noqon mid heshiiskaasi u hoggaansamo, ilaa ay heshiiskaasi si dhab ah ugu hoggaansamayaanna heshiiska waan ka baxeynaa” ayuu yidhi madaxweyne Trump.

Mas’uuliyiin ka tirsan Mareykankana waxay sheegeen iney Washington heshiiska 6 bilood gudahood kaga baxeyso.

35 dal oo ay ka mid yihiin dalalka Ruushka, Canada iyo Britain ayaa heshiiskan qayb ka ah.

Ruushka siduu uga jawaabay?

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka oo ka soo horjeesatay hadalka ka soo yeedhay Mareykanka ayaa sheegtay inaanay iyadu heshiiskaasi ku xadgudbin, ka bixitaanka heshiiska uu Mareykanka sheegayna ay noqon doontaa “mid uu aad uga qoomameeyo”, waxayna wasaaraddu intaa ku dartay maamulka Trump inuu mar weliba “uu carqaladeeyo heshiisyada xakameeynta hubka” ee hore loo gaadhay.

“Waan ka soo horjeedna sababta uu Mareykanka ku sheegay inuu heshiiskan muhiimka ah uu kaga baxayo,” ayuu yidhi wasiir ku xigeenka Ruushka Alexander Grushko oo u warramay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA Novosti.

“Ma jirto wax naga horistaagi kara wadahadallada farsamada la xidhiidha, balse Mareykanka sida uu u soo dhigay Ruushka inuu ku xadgudbay ay tahay mid khaldan,” ayuuna sii raaciyey.

Wuxuuna intaa ku daray heshiiskaasi oo uu Mareykanka ka baxo iney saameyneyso waddamada heshiiskan qaybta ka ah gaar ahaanna waddamada ka tirsan Gaashaan buurta Nato.

Jonatahan Marcus oo ka faallooda arrimaha difaaca oo ka warrmaya heshiiskan uu sheegay inuu Mareykanka ka baxayo wuxuu sheegay inuu u muuqdo Mareykanka mid uu xubinnimada heshiiskan uu hakada ku gelinayo ka bixitaankiisana ay ku xidhnaan doonta wadahadalka Moscow uu la yeesho natiijada ka soo baxda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka waxay sheegtay Washington haddii ay heshiiskan ka baxdo inuu iyada si gaar ah u saameynayo maadaamaa ay dayaxgacmeedyo oo ay leedahay ay maraan hawada waddamadaasi, go’aanka Trump wuxuu sida oo kale saameynayaa waddamada heshiiskaasi qaybta ka ah ee adeegsada dayaxgacmeedyada noocaasi.

Horraantii sanadkanna xoghayaha gaashaan dhigga Mareykanka Mark Esper wuxuu Ruushka ku eedeeyey inuu heshiiska ka baxay oo uu mamnuucaya diyaaradaha iney maraan hawada Kaliningrad iyo deegaannada kale ee ku dhow Georgia.

“Shaki badan ayaan ka qabaa heshiiskaasi halka uu hadda marayo” ayuu yidhi Mark Esper.

Maamulka Trump wuxuu sanadki hore uu ka baxay heshiiskii xakameynta hubka Niyuukilarka ee ridda dhexe ee INF, iyada oo ay taasi muujineyso inuu Trump maamulkiisa uu ka baxayo heshiisyo muhiim ah.

Heshiiska INF wuxuu 1987 uu dhex maray Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeet, heshiiskaasi oo mamnuucayey sameysashada gantaallada Niyukilarka riddada dhexe iyo riddada gaaban.

https://www.npr.org/2020/05/21/860476172/trump-administration-confirms-u-s-is-leaving-open-skies-surveillance-treaty

LEAVE A REPLY