Mareykanka oo Lagu Eedeeyay Inuu Diidan Yahay Maalgelinta Dimuqraadiyada Somaliland

0
4238

Washington (Hargeisa Press) – Khabiirka Ameerikaanka ah ee Michael Rubin oo inta badan waxka qora Arrimaha dalalka Geeska Afrika, sida Somaliland, ayaa War-bixin dheer ka qoray Siyaasadda Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku kula Macaamilayso Dalalka Afrika ee Dimuqraadiga ah.

Michael Rubin, ayaa war-bixinta dheer ee uu arrintan ka qoray isla-markaana uu ku soo qaatay Nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland wuxuu Ciwaan uga dhigay “Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanu waa inay joojiso sida quudhsiga ah ee ay ula dhaqmayso Dimuqraadiyadda Afrika..”.

War-bixinta dheer oo uu Michael Rubin ku baahiyey Bog uu Internet-ka ku leeyahay, ayuu ku sheegay inaan Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanku aanay si siman taageero dhaqaale u siinin Dalalka Afrika, balse qaar aan dimuqraadi ahayn ay Malaayiin dollar siiso, kuwo ay hoggaamiyaan Madax Kaligood Taliyeyaal ahna ay sidaasi oo kale Malaayiin dollar u siiyaan si sanadle ah, balse Dawladaha Dimuqraadiga ah uu Maraykanku Quudhsado nidaamkooda Dimuqraadiyadeed.

Michael Rubin oo dalalkaas uu Maraykanku siiyo dhaqaalaha barbar-dhigaya Somaliland, ayaa yidhi “Waddamadan (uu Maraykanku lacagta siiyo) barbar-dhig Somaliland, oo ah Qaran madax-bannaanidiisa Maraykanku aqoonsaday 1960, ka hor Midowgii isxilqaanka ahaa ee ay la galeen Soomaaliya, si ay dhisaan Soomaaliya. Midowgaasi wuxuu burburay 1991-kii, laakiin Maraykanku uma soo celin aqoonsigii Rasmiga ahaa, halka Soomaaliya u xuub-siibatay Dagaallo sokeeye, Somaliland-na waxay sii ahaatay Nabadgalyo, waxay qabsatay doorashooyin kala duwan oo Hal qof iyo Hal Cod ah, kuwaasi oo ay ugu dambaysay doorashadii dhacday 31-kii May, 2021.”

Michael Rubin oo War-bixintiisa sii wata, ayaa Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ku eedeeyay in aanay goob-joogayaal u dirin doorashadii Somaliland ka dhacday bishii May ee sannadkan 2021, taasi oo illlaa 10 waddan oo Midowga Yurub ahi u soo dirsadeen kormeerayaal “Si ka duwan dal kasta oo Afrikaan ah, Somaliland waxay ku xaqiijisaa (Doorashada) hufnaanta hawsha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, iyada oo lagu sameeyo baadhitaannada Isha Bu’deeda, diblumaasiyiin ka socda ku dhawaad toban dal dal oo tirsan Midowga Yurub, ayaa indho-indheeyey doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Somaliland, laakiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya midna uma dirin goob-joogayaal Mareykan ah..”

Khabiirkan Maraykanka waxa kale oo uu qoraalkiisa ku soo hadal-qaaday doorashadii Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, waxaanu sheegay in labada Xisbi Mucaarad oo iskaashanayaa inay doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, lagana adkaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha dibedda oo Biixi u soo sharraxay Afhayeenka Baarlamaanka, laakiin Faratoon wuxuu aqbalay guul-darradiisa, Madaxweyne Biixina intii uu wiiqi lahaa dimuqraadiyadda wuu u dabbaal-degay Natiijada, Waayo ? “Karaamada dimuqraadiyaddu waxay hoos u dhigtaa damaca nin kasta..”

Wuxuu sheegay in Boqortooyada Midowday ee UK aanay aqoonayn Madax-banaanida Somaliland, balse ay Somaliland ku leedahay Xafiis, Stuart Brown oo ah Wakiilkeeduna uu hambalyeeyay Guusha Somaliland ee doorashada.

Rubin wuxuu ku canaantay Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka in aanay Caawin Somaliland, iskaa inay caawisee xitaa aanay qiranin inay arrintaa ku khaldan tahay “Waaxda Arrimaha Dibeddu, waxay diiddan tahay inay xitaa qirato (inay khaldan tahay), iskaba daa inay caawiso oo ay Maalgeliso dimuquraadiyadda kaliya ee guulaysatay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “In la taageero Somaliland uma baahna in la aqbalo Madax-bannaanideeda.”

LEAVE A REPLY