Mareykanka oo Ka Hadlay Duqeymaha Turkigu Ku Beegsanayo Kurdiyiinta

0
408

Washington (Hargeisa Press) – Wasaaradda gaashaandhigga ee Mareykanka, ayaa sheegtay in duqeymaha Turkigu uu ku beegsanayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee ku sugan waqooyiga Suuriya, ay khatar gelinayaan badqabka ciidamada dalkeeda ee la dagaallamaya ururka Daacish.

Pentagon-ka, ayaa ku baaqay in xaaladda la dejiyo.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa shalay sheegay in weerarrada ciidamadooda ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen fadhiisimaha Kurdiyiintu ku leeyihiin waqooyiga Suuriya ay yihiin kuwa bilow ah.

Erdogan, ayaa sheegay in sida ay Turkiga uga ka go’an tahay sugidda amaanka xuduudka ay la wadaagtay madaxda Suuriya.

Hore wasiirka gaashaandhigga Turkiga, ayaa u sheegay in ciidanku ay duqeeyeen ku dhawaad ​​shan boqol oo bartilmaameed oo ay leeyihiin maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee Suuriya iyo Ciraaq tan iyo Axaddii.

Xoojinta ficillada milateri ee Turkiga ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Kurdiyiinta, ayaa imanaya kadib weerar ka dhacay Istanbul, kaasoo dowladdu ku eedeysay PKK oo ah dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka Kurdiyiinta ee Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here