Mareykanka oo Dib U Billaabay Taageerada Milateri Ee Somalia

0
712

Muqdisho (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in todobaadkan ay dib u billowday taageeraddii milatari ee ay siin jirtay ciidmada dowladda Soomaaliya, si ey u taageerto howlgallada argagixiso la dirirka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa afhayeen u hadlay safaaradda oo la yidhaahdo Ryan Grizzle, waxa ku sheegay in tallaabadan Mareykanka uu qaaday ay ka dambeysay kadib markii ay korodhay kalsoonidii Mareykanka uu ku qabo hanaanka maamulka dhaqaalaha ee dowladda.

Ryan waxa uu yidhi, “waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Soomaaliya inay mudnaanta koobaad siiso wax ka beddelka iyo tayeynta hay’adaha amniga, si loo helo ciidamo Soomaaliyeed oo awood u leh inay amaanka dalkooda la wareegaan.”

Waxa uu sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono kaalmadan dhaqaale oo ah mid kooban, oo lagu taageerayo oo kaliya la-dagaalanka argagixisada.

Qoraalka ayaa ugu dambeyntii lagu sheegay in dib u heshiisiinta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ay muhiin u tahay, hirgelinta dowlad xooggan oo ammaanka hanan karta, iyo barwaaqo ay higsadaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay taageeraddii cunto iyo shidaal ee ay siin jirtay ciidamada Soomaaliya sanadkii 2017-kii, iyadoo sabab uga dhigtay welwel ay ka qabtay musuq-maasuq baahsan oo ka dhex jiray sida loo maareeyo gargaarka ciidanka.

 

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here