Mareykanka oo cambaareeyay tijaabada Kuuriyada Waqooyi

0
1522
Dadka magaalada Pyongyang oo shaashad weyn ka daawanaya Ri Chun-Hee oo soo jeedinaysa warka tijaabada nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi

Pyongyang, (HargeisaPress) —Dowladda Mareykanka ayaa codkeeda ku dartay cambaareynta loo soo jeedinayo Kuuriyada Waqooyi taas oo tijaabisay wax ay ku sheegtay hub nukliyeer ah oo si fiican loo horumariyay.

Pyongyang ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay bam nukliyeer ah oo ay xambaari karaan gantaalada ridada dheer.

Madaxweynaha waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in “hadallada iyo ficillada” Kuuriyada Waqooyi ay yihiin “kuwo colaad hurinaya oo qatar ah”

Kuuriyada Waqooyi ayaa iska dhegatirtay cunaqabateynta Qaramada Midoobay iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan hubka nukliyeerka ah ee ay sameysanayso iyo tijaabooyinka ay ku sameynayso gantaallada ay suuragalka tahay inay gaaraan Mareykanka.

Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhammaantood si xooggan u dhaleeceeyay tijaabada lixaad ee nukliyeerka Waqooyiga.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here