Marekanka oo cunaqabateyn saaraya Dalka Turkiga

0
885
US President Donald Trump reaches to shake Turkey's President Recep Tayyip Erdogan's hand before a meeting at the Palace Hotel during the 72nd United Nations General Assembly on September 21, 2017 in New York City. / AFP PHOTO / Brendan Smialowski (Photo credit should read BRENDAN SMIALOWSKI/AFP/Getty Images)

ANKARA —Marekanka ayaa iskudayaya inuu ku ciqaabo dowladda Turkiga go’aanka ay ku iibsatay gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 oo dalka Ruushka lagu farsameeyo, sida uu ku warramay Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay toddobaada ina soo aaddan inuu Marekanka qorsheynayo cunaqabateyn uu saaro Turkiga,iyada oo kooxda madaxweyne Donald Trump horey u garwaaqsadeen xidhmooyin cunaqabatayn oo ka dhan ah Turkiga.

Hoggaanka guddiyadda Aqalka Senateka ee Marekanka u qaabilsan arrimaha ciidanka iyo xidhidhka  dibadda  ayaa war qoraal ah oo ay wadajir usoo saareen waxay    ugu baaqeen Madaxweyne Trump inuu cunqabatayn ku soo rogo Turkiga.

Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa toddobaadkii hore xaqiijisay in qeybtii ugu horreysay ee gantaallada nidaamka difaaca ee S 400 ay soo gaadheen ciidda Turkiga , waxaana qeybtaa la geeyay saldhig ku dhow caasimadda Ankara.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY