Maraykanka Oo Xalay Sheegay Inay Weerarkii Isniintii Ku Dileen Hoggaamiyihii Al-Shabaab

0
926

godaneWashington,(HargeisaPress) — Dawladda Maraykanka ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in weerar ay ciidamadeeda gaarka ahi Isniintii toddobaadkan ka gaysteen Koonfurta Somalya ay ku dileen hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

War ka soo baxay wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay weerarkii ay dayuurad Drone ah oo uu Mareykanku leeyahay ay la beegsatay Isniintii la soo dhaafay meel waqooyiga kaga beegan magaalada Barawe ee Gobolka Shabeelaha  Hoose ee Somaliya.

Warkan ayaa lagu sheegay in dhimashada Axmed Godane ay guul taariikhi ah u tahay dagaalka lagula jiro al-shabab iyo argagixisada geeska Afrika ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, . iyo in arintan ay sidoo kale guul u tahay sanado badan oo sir doonka Mareykanka ay ku daba jireen hogaamiyeyaasha argagixisada gobolka,  waxaa sidoo kale ka hadlay madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlay magaalada London ee carriga Ingiriiska oo uu kaga qayb-galeyey shir ay NATO ku lahayd.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa intaasi ku dartay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso  dowladda Somalia iyo ciidamada kaabaya ee Midowga Afrika, dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Madaxweyne Obama

Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama, oo dalka Ingiriiska kaga qayb galay shir laba maalmood ah oo ay gaashaanbuurta NATO yeesheen, ayaa wuxuu xalay ku dhawaaqay dilka Axmed Cabdi Godane. “Waxaanu doonaynaa inaan gaadhno yoolkayaga, waxaan rabnaa inaan hoos u dhigno ugu dambayna aan u jebino Daacish sidii aanu u jebinay Al-Qaaciida iyo kuwa Al-Qaaciidada ku xidhan ee Somaliya oo aanu maanta [shalay] soo saarnay inaanu dilnay hoggamiyihii Al-Shabaab ee Somaliya. Si joogto ah waxaanu uga shaqayn doonaan inaan hoos u dhigno hawlgaladooda.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanka.

Maraykanka ayaa hore madaxa Axmed dul dhigay abaalmarin gaadheysa $7 Milyan oo dollar qofkii soo sheega goobta uu joogo ama ka qeyb qaata soo qabashadiisa.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here