Maraykanka Oo Cunaqabayn Ku Soo Rogaya Dawladda Masar

0
753

Washington (HP): Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in dawladda Masar ay cunaqabayno la kulmi karto, haddii ay fuliso qorshaha ay ku doonayso inay diyaaradaha dagaalka ee Su-35 kaga iibsato Ruushka.

Masuul maanta u hadlay dawladda Maraykanka ayaa sheegay suurto-galnimada ah in Maraykanku uu cunaqabayn ku soo rogo Masar.

Maaddaama buu yidhi diyaarado dagaal ay dawladda Masar ka iibsato Ruushku, intaasi  ay khatar ku tahay xidhiidhka dhinaca millateriga ee Washington iyo Qaahira.

“Masar hore-ba way u sii ogayd in arrintani ku keenayso cunaqabayno” ayuu yidhi Mr. R Clarke Cooper oo ah ku-xigeenka xoghayaha hawlaha siyaasadda millateriga ee Maraykanka  ka hadlayay bandhigga gaadiidka hawada oo lagu qabtay Dubai.

Geesta kale wargeyska The National ayaa sheegay in mawqifka Maraykanku ka taagan yahay qorshaha uu madaxweynaha Masar Abdel Fattah El Sisi, ku doonayo inuu diyaaradaha dagaalka kaga iibsado Ruushka uu khatar gelinayo xidhiidhkii dhanka qalabka ciidammada ee dalkiisa Masar la leeyahay Maraykanka.

Inta uu Abdel Fattah El Sisi, xukunka hayay, waxay Masar hub ku kacay Balaayiin Dollar ay ka soo iibsatay dalalka France, Germany iyo Russia.

Qalabkaasi oo ay ku jiraan diyaaradaha Helicopters-ka, Maraakiibta dagaalka, gaadiidka Ciidammada iyo diyaaradaha Dagaalka.

Iyadoo dawladda Masar ay dawladda Maraykanka ka helayso taageerada dhaqaale ee dhan $1.3 billion sannad walba.

Taageeradaasi oo socotay tobanaankii sanadood ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Mr. Pompeo oo isna ka hadlay heshiiska  Masar la saxeexatay Ruushka ee ay ku doonayso inay Diyaaradaha dagaalka ee Su-35 kaga iibsato Ruushka, ayaa sheegay in arrintaasi hoos u dhigi doonto ama khafiifin doonto xidhiidhka dhanka Millateri ee Masar la leedahay Maraykanka iyo Kaalmada dhanka Nabadgalyada ee Maraykanku siiyo Masar.

Waxaanu sheegay in wasiirka Difaaca ee Masar  dalkiisu uu cunaqabayn kala kulmi doono Maraykanka, haddii ay hirgeliso heshiiska uu la galay Ruushka.

Kaasoo dhigaya in Masar ay 2 Billion oo dollar ay Ruushka kaga iibsato 20 diyaaradood oo ah nooca Su-35.

Maraykanka ayaa hore cunaqabayn ugu soo rogay Turkiga oo Ruushka ka iibsaday Hubka difaaca ee loo yaqaanno S-400.

Waxaanu sidoo kale uu Maraykanku joojiyey Tobanaan diyaaradaha dagaalka ee F-35 oo Turkigu doonayey inuu ka iibsado Maraykanka, isla-markaana uu Lacagtooda hore u bixiyey.

Sidoo kale-na wuxuu joojiyey tababbaro gudaha dalkiisa uu ku siinayey duuliyeyaasha Turkiga ee diyaaradaha F-35.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here