Maraakiib Markii Ugu Horreysay Walaac Ka Muujiyey In Ay Ku Xidhaan Dekedda Berbera Waa Maxay Sababtu?

0
1500
Marakiib ku soo wajahnayd magaalo marseedka Berbera PHOTO FILE

Berbera, (HargeisaPress) — Marakiib ku soo wajahnayd magaalo marseedka Berbera Ayaa Markii Ay ogaadeen amaba kawar heeen in uu markab Noocooda oo kale ah ku xaniban yahay Berbera u leexday Dakada kale Taas oo sida la sheegay markabkaas u xayiran yahay Lacag aan hore loo qaadi jirin oo sharciga Dakada Berbera kabaxsan amaba aan waafaqsanay Qawaaniinta Somaliland oo ah mid aan sharciyays nayn oon habayaraatee lasoomarin golayaasha sharcidajinta Dalka Hase ahaatee lasheegayo in lacagtaas lagu shubayo acount Dalka Jabuutiya Taas oo loo malaynayo in ay ku dhacayso shakhsiyaad oo aanay ahayn Mid saxa Taas jawaabteedana laga sugayo sida ay uga jawaabto xukuumada Haatan Talada Dalka haysa ee uu odayga kayahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Taas oo ay dhawrayaan Dhagaha shacabka iyo shirkadaha Ganacsi ee Maraakiibtu Taas oo ay imaantinka.

Maraakiibtuna ku xidhnaan Doonto sida looga jawaabo Walibana hadii caynka logu giijiyana ay tani keeni karto in ay gabi ahaaba meesha kabaxaan imaantinka Maraakiibta qaada koontaynaradu sida ay wararku sheegayaan arintan waxa y kaloo ismaan dhaaf kadhex dhalisay Mamulka gobolka DP World & Mareeyaha Dakada oo loo arko in uu Dagdagku jiro Hab Mamulka Maareeyenimo kuna adkaysanaya Qalafkiisa oo uu isagu waa Maareeyahee sax u arko Dhanka kale markaan ka eeno waxaa jiray Mudooyinkii u Dambeeyay Culaysyo Ay kacabanayeen Ganac satada yana soo rarata shixnadaha kaladun Taasina ay tahay Caqabado Hoos u dhac ku keeni kara Ganacsiga Dalka Hadaan hoos loo eegin iyna oon lalafagun.

Walow Ganacsatada qaar ay leeyihiin Xukuumadu waxay naga qabtaa lexejeclo badan anaguna taas iyo mid kasiiban ayaanu kaqabnaa lakiin ay jiraan Qaladaad meelo dhexe kasoofulaya Taasna ay xukuumadu ku samayn Doonto Dabagal si wixii qaldanba loo soxo  la isulana jaanqaado Taasina midhka Qudha ee Dhibkasta oo timaad looga bixi karo waxna kuhagaagayaan Saxduna ku iman karto.

Iyada oo ay wali taagan tahay Maraakiibta Koonteenarada Xambaara ee Caalamiga ah ee ay leedahay shirkada MSC oo maalintii labaad ku xayiran Dekeda Berbera kadib markii Maxkamada Gobolka Saaxil amar Xayiraada qoraal ku soo saartay.

Maraakibta Koonteenarada Xambaara oo hada ah kuwa ugu adeega badan gaadiidka bada ee Dekeda Berbera ku xidhan ayaa lacag adag oo badani uga soo xerootaa Khasnada dawlada Somaliland iyo shirkada Dekeda Berbera Maamusha ee DP World waxaana la odhan karaa haday maraakiibta Koonteenarada Xambaara xidhiidhka u jaraan Dekeda Berbera in dakhli badani kaga baaqan Khasnada dawlada Somaliland gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ee cashuuraha badeecadaha qaada.

Halkan Hoose Ka Akhriso Warqaaha Xayiraada Markabka Shirkada MSC Laguna Bayaaminayo in Lacagtaas Markab kasta laga doonayo:

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY