“Mar haddii Xajka cibaado loo tegay in la isa salaamo waxba kuma jabna”…

0
711

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa xaaraan ku tilmaamay mushaharka ay qaataan xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland, maadaama ay ku fadhiyaan muddo kordhin sharci darro ah.

Waxaanu sheegay in ay culays dhaqaale oo weyn dalka ku hayaan mushaharka ay qaataan xildhibaanadda labadda gole, iyadoo ay ka haboobaynayd in lacagta sharci daradda ah ee ay qaataan dadka masaakiinta ah lagu caawiyo.

Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka tirsan urur siyaasadeedka madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, waxa kaloo uu ka hadlay kulankii ay dalka Sucuudiga ku yeesheen madaxweynaha Somaliland iyo wasiirro ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya.

Waxaanu difaacay in aanay wax dhibaato ah ku jirin laba qof oo Soomaali ah oo is garanayaa ay isa salaamaan iyagoo gudanaya Xajka.

Arrintaasi oo maalmahan ay siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland siyaabo kala duwan aragtiyo kala gedisan uga bixiyeen.

“Mar haddii Xajka cibaado loo tegay, laba qof oo is garanayaa in ay isa salaamaan waxba kuma jabna. Ha isa saamixina miyaa la inaga yidhi? Hadda ma aha ta siyaasiga ah”ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi, oo maanta la hadlay Eryal TV.

Maxamed Xaashi, oo ka hadlayay arrinta dib u dhaca doorashooyinka Somaliland, waxa uu yidhi “Doorashooyinka Somaliland ee dib loo dhigo, is af-garad baad moodaa in uu ka dhexeeyo madaxtooyooyinka iyo labadda goel, oo mar mid loo kordhiyaba, hadana ka kale u kordhiyaa”.

Geesta kale Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, waxa uu ka hadlay muddo kordhino dhawr jeer loo sameeyay xildhibaanadda golaha Wakiiladda Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay mid aan sharciga waafaqsanayn balse ay Somaliland caadaysatay.

“Golaha Wakiiladda shan sanadood ayaa la doortay oo muddo xileedkoodu ahaa. Sanadkii 2010-kii ayay kaga ekayd, sharci darro ayaanay imika ku fadhiyaan. Muddo kordhintu waa wax ay caadaysteene, wax sharci ah oo ay ku fadhiyaan ma jirto.

Mushaharka ay qaataana waa xaaraan. Imika haddii aad waydiiso saami-qaybsiga, sidee ayaa kuraasta loo qaybinayaa wax ay ka garanayaan ma jirto”ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Culays dhaqaale ayay inagu hayaan mushaharka ay qaataan xildhibaanadu, miyaa dadka masaakiinta ah wax loogu qabto lacagta ay qaataan, miyaa dadka baahan lagu caawiyo”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY