“Maqalka iyo Aragga” The Definition of listening.

0
270

Hargeysa– Maqalka iyo aragga waa labada halbawle ee biniaadanka ku hago nolosha, Marka la eego Quraanka, Allah mar kasta oo uu xuso dareenadan, wuxuu isugu ladhay si aan caadi ahayn, arag iyo maqal, mar kasta oo la sheego, maqalku wuu horreeyaa.

Tani ma aha kaliya hab qoraal ee waa xaqiiqo cilmi ah, maqalku waa dareenka ugu horreeya ee ilmuhu yeesho intaanu dhalan.

Dhagaysigu waa geedisocodka fahamka, waa halka fikraduhu ka curtaan, waana halbawlaha xiriirka aadanaha.
50% xidhiidhka bini’aadamku (Communication) wuxuu ku salaysan yahay dhagaysiga. Marka aad maqasho, waad dhugataa, markaad dhugato, waad dhaqaaqdaa.

Dhagoolaha iyo indhoolaha, keebaa dabeecad adag?

Qofka maqalka la’ wuxuu lumiyaa xidhiidhka tooska ah ee bulshadiisa, fahamka dhawaaqa iyo codadka dareenka xambaarsan.

Indhoolaha, inkastuu arag la’aan yahay, hadana maqalkiisu ayaa wax ku maalaa, wuxuuna la jaanqaadi karaa duruufaha nololeed. Sidaa darteed, dhagooluhu wuxuu halis ugu jiraa in dareenkiisu dabci adag galin karo, xidhiidhkiisuna go’o, taasoo ka dhigaysa in dabeecaddiisu adkaato.

Maqalku waa iftiin aan la arki karin, araggu waa hadal aan la maqli karin, labadooduna waa dareenno isu baahan.

Aayadaha Quraanka ee Xusa Maqalka iyo Aragga:

Quraanka Kariimka ah waxaa ku sugan aayado badan oo si wadajir ah u xusa maqalka iyo aragga, iyagoo muujinaya muhiimadda labadan dareen ee nolosha bini’aadamka. Tusaale ahaan:

1. Suuradda Al-Baqarah (2:7):

> “خَتَمَ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ وَعَلَىٰ سَمْعِهِمْ ۖ وَعَلَىٰ أَبْصَارِهِمْ غِشَاوَةٌ ۖ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ”

“Ilaahay wuxuu quluubtooda iyo maqalkooda ka yeelay dabool, araggoodana wuxuu ka yeelay daaha, waxaana u sugnaaday cadaab weyn.”

2. Suuradda Fussilat (41:20):

> “حَتَّىٰ إِذَا مَا جَاءُوهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَارُهُمْ وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ”

“Markay (naarta) yimaadaan, maqalkooda, araggooda, iyo haraggooda ayaa ku marag furi doona waxay falayeen.”

Aayadahan waxay muujinayaan sida maqalka iyo aragga ay muhiim ugu yihiin fahamka, hanuunka, iyo la xisaabtanka aakhiro.

Qallinkii: Ahmedyasin Sh Omar sh Ahmed furre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here