Magaaladda Ceerigaabo oo Laga Dhagax dhigay Dhismaha Aqalka Madaxtooyadda ee Gobolka Sanaag

0
598

Ceerigaabo, (HargeisaPress)—Agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warasame Jaamac ayaa maanta dhagax dhigay Aqalka madaxtooyada ee gobolka Sanaag, Kaas oo laga dhisi doono magaalada Ceerigaabo.

Munaasibadda dhagax dhigga dhismaha madaxtooyada ee gobolka Sanaag Waxa ka qayb galay masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waxa halkaasi  ugu horayn ka hadlay ganacsade Ibraahim Axmed oo ku deeqay dhulka laga dhisayo Madaxtooyada. Waxaanu sheegay inay qayb ka tahay talaabooyinka horumarka ee qarankani qaadayo isaguna uu kaga qayb qaadnayo bixinta dhulkaasi. Maadaama oo loogu adeegayo bulshada gobolka.

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro oo ka hadlay madasha ayaa sheegay inuu u mahad celinayo muwaadinka dhulkaasi ku deeqay isagoo intaa raaciyay inuu dhismahani muhiimad weyn u yeelan doono guud ahaan gobolka iyo Somaliland.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maayarka magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur kaas oo soo dhaweeyay dhagax dhigga gurigaasi iyo muwaadinkii ku deeqay, isagoo bulshada gobolka ugu baaqay inay dhamaan tood ka qayb qaataan dadaalada lagu horumarinayo qaranka oo aan dawladda lagu eegin.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Cali Bile iyo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warasame Jaamac ayaa iyaguna ka waramay ujeedada dhismahan laga hirgalinayo magaalada Ceerigaabo. Taasoo ay ku sheegeen guul usoo hoyatay gobolka Sanaag. Kuwaas oo bulshada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo daryeelidda xarumaha dawladda oo uu ugu horeeyo dhismaha aqalka madaxtooyada ee gobolka Sanaag.

Gebo gabdii waxa halkaasi ka hadlay masuul katirdan shirkadda dhismaha ee Tayo oo balan qaaday inay hirgalin doonaan idamka alle dhisme Tayo iyo quruxba xambaarsan oo anfaci doona bulshada gobolka iyo qarankaba.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY