Magaaladda Burco Oo Mar Kale Laga Mamnuucay Bandhig Faneedyadda

0
397

Burco (HP): Maamulka degmadda Burco iyo guddiga wanaag farista iyo xumaan reebista ee magaaladaasi ayaa isla qaatay in aan wax cawsyo ama bandhig faneedyo ah lagu qaban karin magaaladda.

Kadib kulan ay xallay wada yeesheen gudida wanaag farista iyo Xumaan Reebista magaalada Burco, iyo maayirka degmada Burco Cabdirisaaq Hero iyo qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Deeganka.

Shirkaasi oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegay in maamulka cusub ee degmadda Burco iyo xubnaha guddigaasi ay isla af-garteen in gebi ahaanba la joojiyay xafladaha cawayska iyo bandhig faneedyadda habeenkii la qabto.

Wararka la xidhiidha kulankaasi ayaa sheegaya in maalinta Sabtida ah ee berrito go’aan laga soo saari doono lagu joojinayo Hotellada bilaabay heesaha Muusiga ah.

Waxaanu warku intaa ku darayaa in maayarka degmada Burco uu ku qanciyay  Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista in aan waxba laga badalin sidii hore ee aan magaaladda Burco looga ogolayn heesaha.

Dhinaca kale tallaabadani ayaa imanaysa kadib markii habeenkii Ciidii Carrafo ee todobaadkan magaaladaasi lagu qabtay ban dhig faneedyo ay fanaaniini ka heesayeen.

Iyadoo ay magaaladaasi Burco hore mamnuuc uga ahayd in xiliyadda habeenkii hudheeladda magaaladaasi lagu qabto wax bandhig faneedyo ama cawayso ay dhalinayaradu isugu timaaddo.

Arrintaasi oo ay isla qaateen maamulkii hore ee degmadda Burco iyo guddiga wanaag farista ee isla magaaladaasi.

Waxaana jirtay in markii habeenkii dhawayd bandhig faneedka lagu qabtay magaaladda Burco ay si weyn u soo dhaweeyeen dhalinyaradu.

Kuwaaasoo tallaabadaasi ku tilmaamay in Burco ay ka xorowday nidaamkii hore ee ka soo hor jeeday qabashadda cawaysyadda.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here