Magaalada Qaadka Laga Soo Waarido Ee Hawadey oo Laga Afduubey Mid Kamid ah Baabuurta Qaadka Kasoo Qaada Ee Laga Leeyahey Somliland

0
1353

AWADEY,(HargeisPress)-Mid kamid ah Baabuurta kasoo Qaadda Qaadka Dhinaca Gudaha Itoobiya Gaar ahaana Magaalada ‘Hawadey’ ee katirsan u dhexeysa Hamareyso iyo Haramaayo ayaa lagu afduubay Kadib markii ay ka kaxeystey Dablley Shufto ah oo kasoo jeeda Qawmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya.

Sida ay Xaqiijiyeen Qaar kamid ah Darawaliinta iyo Shaqaalaha Qaadka ee ka hawlgala Shirkadaha Qaadka Keena Gudaha Somaliland ayaa Xusey in Baabuurka laga Dhex qafaashey Magaalada Hawadey ay iska laheyd Shirkada Qaadka H93 ama Shirkada Qaadka (Abaan-hoosujeed).

Ilaa hadda lama ogga Meel.lala tagey Baabuurkan Laga Dhex qafaashey Magaalada Hawadey,ee ay iska laheyd Shirkadaha Qaadka Keena Somaliland gaar ahaan Shirkada(Abaan-hoosujeed), H93  Waxaanay Wararku intaa ku Dareen in Ujeedada ay u afduubeen Qawmiyadda oromadu aan la garanayn Sababta loo qafaashey iyadoo aaney Wax talaabo ah ka Qaadin Ismaaamulka Dawlad Deegaanka Kililka Oromada oo aan ilaa iyo hada Hawlgalin Falkan.

Afduubkan ayaa lagu Waddaa in uu Saamayn ku yeesho Xidhiidhka Isu Socodka Gaadiidka Qaadka ee Somaliland iyo Itoobiya iyadoo, ay habeen Walba gudaha usoo galaan.Dalka Somaliland Boqolaal Gaadiid ah oo ay Iska.leeyihiin Qawmiyadda oromadu.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY