Magaalada Hargeysa oo Laga Dhigay Dibad-bax Lagaga Soo Horjeedo Dilkii George Flayd Ee Dalka Mareykanka (Sawirro)

0
1799

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dhalinyaro ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa dibad-baxyo ay kaga soo horjeedaan dilka ninkii madowga ahaa ee George Flayd ee lagu dilay dalka Mareykanka.

Dhalinyaradan ayaa Boodh uu ku xardhan yahay sawirka George iyo hal-ku-dhig ah #AllLifesMatter ayay ku muujiyeen dareenkooda sida ay uga soo horjeedaan dilka George Flayd.

George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday. Wuxuu waardiye ka ahaa mid ka mid ah makhaayadaha ku yaalla Minneapolis.

Wuxuu la kulmay booliska fiidnimadi 25-kii bishan May ka dib markii askarta la wacay oo loo sheegay nin looga shakisan yahay inuu foorjari ama been abuur sameynayo.

Dilkan ayaa waxa uu sare u sii qaaday cadhadii hore, ee ku aadanayd dilalka ay booliku u geystaan dadka madow ee reer Mareykanka ah, waxaana dilalkaasi ka mid ahaa dilkii Ahmaud Arbery oo ka dhacay Georgia iyo Breonna Taylor oo lagu dilay Kentucky.

Derek Chauvin, oo ah askarigii jilibka luqunta uga hayay Floyd markii uu dhimanayay ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah. Sidoo kale waxaa dacwado wajahaya dhowr askari oo goob joog ka ahaa dhacdadaas.

LEAVE A REPLY