Madaxweynuhu Waxba Inooma Sheegin Oo Ka Warwareegye Waftigan Itoobiya Soo Dirtey Hore Miyaanay aheyn Baroortu Orgiga Ka Weyn

0
763

Muran Kama Joogo,oo Marka aynu Isku Fiirinno, Damdamta iyo Sida ay Arimuhu usocdaan Hawshu Wey ka Culus Tahey Imaatin Farmaajo, iyo Wixii Lahalmaala, markeynu intaa Xusno Isweydiintu waxey tahey Maxaynu ku cadeyneynaa in Xaaladu ka Culus tahey intii aynu maqleynay iyo hadalhaynta Farmaajo ayaa imanaya Hargeysa oo aragtidayda iila muuqata raad-gadkii u weynaa ee la inoo hadoodiley.

Haddaan hoos ugu dhaadhaco dareenka iiga baxey waxa uu daaran yahey, rabitaanka Itoobiya ugu baaqdey Madaxweyne Muuse Biixi iyadoo, lagu Soo beegay in Adissababa looga yeedho Xilli Shirkii Midawga Afrika ka Socdey halkaasi  islamarkaana, isku-beeg iyo Fursad fiican u aheyd Raysal-Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada jooga in Hargeysa looga yeedho Mudane Biixi(Madaxweynaha-Somaliland) oo isaguna dhinaciisa hungeynaya Shirkaa Weyn laakiin ujeedada loogu beegay yeedhmadiisu u muuqato in looga faa,ideysanayay Danno Siyaasadeed oo laga leeyahey Tusaale ha inoogu Noqoto Sida uu isagu u Yool habaabiyay wax baddan oo aynu ka filaynay in uu Waxyar inooka bidhaamiyo, sida Ujeedkii iyo qoddobada ay kawada hadleen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo iyo midhadhalkii Telfoonkii Raysal-Wasaare Aby Ahmed laakiin taa badelkeeda waxaynu kaga dhagaysanay, in Ujeedada u Weyni aheyd imaanshaha Hargeysa wallow Tusaale kalena ahaa hadalkii Madaxweyne Farmaajo, ee Raaligalinta markii u horeysay ahaa.

Sikasta oo loo eego iyo Geesta kasta oo laga joogsado Waxaan la yareysan karrin baaqii Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ee isla mawduucan ku sahabsanaa, iyo Khudbadii aan dhameystirka laheyn Madaxweynaha iyo Waliba Socdaalkan Wasiiradda ka daba yimid, haddaan fikirkeyga isku soo ururiyay Waxaa jirta arin Miino Weyn ah oo muddo dheer laga shaqeynayay oo ay kawada Socdaan Dawllada Imaraadka,Dawllada Itoobiya, iyo Soomaaliya taas, oo Madaxweyne Biixi lagu qancinayo in uu ogolaado Saxeexa arintaa culus ee Madaxweyne Farmaajo haba noqoto Ciidamaddii Bad-cas ee Itoobiya Sameysanaysay ee Imaraadka iyo Sucuudigu kala shaqeeyeen, ama ha noqotto Arimaha DP-World ee Gacan ku haynta Dekedda Berbera, ama Saldhigii Miltari ee dhismihiisu Wali socdo, amaba Miinoyin kale oo dalalkaa aan kor ku Xusey danahooda ah laakiin inaka aran-jabkeena ah kama aanan tagin Qoraalkaygan Su,aashii ka taagneyd Saamiga Itoobiya ku leedahay Lawareegista Dekedda Berbera ee aynu hore u fasaxnay.

Gabagabadii Sheekaddii la inaku soo dhex-tuurey ee Madaxweyne Farmaajo ayaa imanaya Hargeysa, waa mid yolgad u ah hawsha Socota ee Loogu yeedhay Madaxweyne Muuse Biixi haddana looga Soo daba-direy Waftigan Culus ee Wasiirka Maaliyada Itoobiya hogaaminayo, Waxaanse kusoo koobayaa Qormaddan Mar haddii Xaqiiqdii Madaxweynuhu ka warwareegay, ‘Farmaajo ayaa Hargeysa Imanayanna ay dhalanteed aheyd Baroortu Orgiga ka Weyn’

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

LEAVE A REPLY