Madaxweynuhu Safarkii Ethiopia Guul Ayuu Ka Soo Hoyey,Waxna Waa Hadal Waxna Waa Hir-gal Dhab Ah, kalmada (Adminstration) Kama Mid Aha “Diplomatic Language”ka, Waxa Ka Mid Ah (State).

0
1451
C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto) PHOTO FILE

Madaxweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  Mudane:  Muuse  Biixi  Cabdi  ayaa  safar  casuumadeed  ku  tagay  dalka  aynu  jaarka  nahay  ee  Ethiopia,  Kaasi  oo  daaranaa  amuuraha  xidhiidhka  iskaashiga  labada  dal  ee  dhinacyada  dhaqaalaha, siyaasada  arimaha  dibbada  iyo  is-baddelka  mandaqada  geeska-afrika  ee  aynu  ku  nool  nahay, Oo  ay  ka  socdaan  dabaylo  cusub  isla  markaana  culeyskooda  wata  wadamada  mandaqaduna  ay  aragti  ahaan  ku  kala  duwan  yihiin. Wadamadaasi  jilayaasha  ka ah   siyaasada  geeska  waxa  ka  mid  ah  Ethiopia, Kenya, Somalia, Djabouti iyo  Somaliland, Kuwani  oo  Longitude  and  Latitudesba  dhaca  meelo  istaraatajiya  oo  ku  haboon  kala-gooshka  ganacsiyada  dhulka  iyo  cirka  maadaama  ay  yihiin  dalalka  mandaqadu  quutayaasha  ugu  badan  aduunka  ee  badeecooyin  ganacsi  la  keeno,  Hadaba  yadoo  Jamhuuriyada  Somaliland  doorkeeda  xirfadeed  ciyaaraysa  waxay  ka  faa,iideysanaysaa  jaaniska  ay  kaga  mid  noqon  lahayd  wadamada  uu  jaan-goynayo  isbaddelkani, Yadoo  aaney  meesha  ka  maqnayn  doodaha  siyaasadeed  ee  dhex  yaala  Somaliland  iyo  Soomaaliya.

Waxba  yaanan  ku  fogaan  arertee  aan  abaaro  halka  ay  maanta  Qormadaydu  daaran tahay  oo  ah  Safarkii  Madaxweynaha  jamhuuriyada  Somaliland  Mudane: Muuse  Biixi  Cabdi  oo  is  maqaam  dibloomaasiyadeed  ah  ula  kulmay, Ra,iisel-wasaaraha  Ethiopia  Mudane: Dr. Abbiy  Ahmed  oo   ay  wehelinayaan  Xubno  golahiisa  Wasiirada  ahi  Sida  Wasiirka  Amuuraha  Dibbada  dawlada  faderaalka  Ethiopia Dr. Workneh Gebyahu  iyo  Wasiirka  Maaliyada  Ethiopia  Dr. Axmed  Shide,  Halka ay  Madaxweynaha  Somaliland  wehelinayeen  Wasiirada  Arimaha Dibbada, Arimaha  Gudaha,  Horumarinta  Maaliyada, Iyo  Ganacsiga  Ee  Somaliland,  Kulanka  ayaa  lagu  lafa-gurey  iskaashiga  walaaltinimo,  jaarnimo,  danaha  ganacsi, iyo  waliba  aragtida  ku  aadan  is-baddelka  siyaasada  geeska  oo  inta  badan  wadamada  gobalku  ku  kala  aragti  gadisan  yihiin, Kulanku  waxa  uu  u  dhacay  si  boqran  Somaliland  iyo  hogaankeedana  waxa  loo  maamuusey  si  wadan  jira  oo  aaney  cidi  matalin  aan  isaga  aheyni, Xaqiiqo  weeyaan  iney  Somaliland  noqotey  xidig  ka  soo  dhex  baxdey  oo  fahantay  qaabka  ay  wax  u  socdaan   kuna  guuleysan  doonta  mayalkeeda  adeg  ee  Qaranimo  kuna  wajahan  sidii  ay  caalamka  wax  ula  qaybsan  lahayd.

Madaxweynaha  Somaliland  ujeedkiisa  Safarka  waxa  uu  ku  matalayey  Umadiisa  reer  Somaliland  ee  codka  aqlibiyada  ah  ku  dooratey,  Waxa  uu  huwanaa  milgaha  qarankeena  sumcada  iyo  jiritaankeeda  dalnimo  taasibaanu  ku  tagay  wadanka  aynu  jaarka  nahay  ee  Ethiopia  oo  aynu  nahay  walaalo  soo  jireen  ah,  Hadaba  Madaxweyneheenii  inaga  inoo  maqnaa  ayaa  waxa  ujeedkiisa  marin-habaabiyey  koox  yar  oo  beenaalayaal  ah  lana  baxdey  magaca  Nabad iyo  Nolol , Yagoo  sheegtay  iney  Madxweyne farmaajo  iyo  Madaxweyne  Muuse  Biixi  Cabdi  ku  kulmayaan  Caasimada  dalka  Ethiopia  ee  Adis-ababa  taasi  oo  aakhirkii  noqotey  mala-awaal  iyo  been-abuur  aan  saliyo  raad  toona  lahayn  oo  mediayaha  cadawgu  buun-buuniyeen,  Waxase  jid cad  marisey  oo  arimahaasi  in  aaney  waxba  ka  jirin  hoosta  ka  xariiqey  Dawladaha  Somaliland  iyo  Ethiopia,  Hadaba  waxa  warkan  soo  wal-waaley  oo  aan  hubsan  dalka  iyo  dadkana  ku  dhex  faafiyey  Xisbiga   Wadani  xubno  ka  tirsan  oo  la  fahmi  laayahay  yoolkooda  qaranimo  isla  markaana  ka  shaqeeya  caaridnimo  bilaa  caqli  ah  ama  aan  ku  dhisnayn  cilmi  balaadhan  oo  ah  iska  shaadhee  waxan  laguu  dhiibey  amaba  lagugu  yidhi.

Ka  dib  kulankii  labada  Masuul  ee  dalalka  Ethiopia  Iyo  Somaliland  Mudane: Muuse  Biixi  Cabdi  iyo  Mudane: Dr. Abbiy  Ahmed  Ali  oo  markay  wada  kulmeen  la  tix-raacey  weedh  uu  Ra’iisel-wasaaruhu  uu  bartiisa  twiterka  soo  dhigey  isagoo  ka  faaloonaya  kulanka  dhigiisa  Somaliland,  Uu  yidhaahdo  (Somaliland  Adminstration) , Oo  aan  ku  jirin  Luqada  Dibloomaasiyada  isla  markaana  ah  kalmad  uu  caadi  u isticmaaley  balse  aan  ku  jirin  luqada  xidhiidhka  caalamiga  ah,  Hadii  loo  jeedo  meqaam  darada  Somaliland  waxaad  maqli  lahaydeen  (Somaliland  State), Tani  baa  luqada  dibloomaasiyada  ku  jirta.  Wali  miyaad  maqasheen  Jubaland  Adminstration, Hir-shabeele  Adminstration ama  Puntland  Adminstration,  Waxaan  aragnaa  ama  aan  maqalnaa  Puntlan  State  taasibaana  sax  ah  kuna  jirta  (Diplomatic  Language ka ), Soomaalidaa  tidhaahda  indhihii  bakooro  qabaa  ma  arkaan  cad-cadeeda  sida  awgeed  waxaan  leeyahay  xisbiga  bilaa  ujeedada  ah  ee  hadana  isu  haysta  iney  dibloomaasiyiinta  yihiin  ayaanu  idin  qaban  (International  Lawgu),  Oo  aad  si  fiican  u garanaysaan  waxaa  idinla  gudboon  in  aad  ku  caaridaan  xukuumada  wax  garaad  iyo  gun-dheeri  ku  dhisan  isla  markaana  kula  talin  lahaa  in  ay  muraayadooda  balaadhiyaan  si  heer  cabirkoodu  u  sareeyo  ama  ay  u  dul-dhigaan  saadaashan  ka  xumaanaysa.

Qodobkaasi  (  Adminstration )  ayaa  igu  kalifey  inaan  maanta  qormadani  holado  waayo  ma,aha  caqli  ama  garaad-san  in  la  badawsadaa  umadeena  ama  lagu  dhaleeceeyo  qarankeena  wax  aan  cilmi  iyo  caqli  ku  dhisnayn,  Ugu  danbayn  Madaxweynaha  Somaliland  Mudane:  Muuse  Biixi  Cabdi  aad  baan  ugu  hambalyeynanaa  waanan  ku  garab-taagan  nahay  talaabooyinka  wax-ka-oolka  ah  ee  uu  ka  gaadhey  amuuraha  rafiiqnimo  ee  wadamada  geeska,  Runtii  aad  bay  u  adeg  tahay  in  la  fahmaa  siyaasada  amuuraha  dibbada  markaa  yaan  lagu  dag-dagin  caamana  hadalkeedaba  daa  yada  waayo  Siyaasadani  ma,aha  lala  akhriyey,  Waa  mid  cuquul  iyo  u  baahan  caalimnimadeeda  iyo  waliba  ogaalkeeda  dhabta  ah,  Waan  ka  marag  kacaynaa  in  madaxweynuhu   soo  hoyey  guul  sooyaalkeeda  muunadeed  iyo  maqaamba  leh.

Qalinka:  Cabdiraxmaan   Sayid   Faarax  (Jeesto)

abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

Diplomatic  Analysts

Gabiley/ Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here