Madaxweynuhu Ma Dugsigi Agoomaha ayuu Furayey Mise Schoolkii Caruurta Tijaarta?..

0
1093

Mashruuca Kaamka Waxbarashada Iyo Samafalka KUWAYT ee Maanta Xadhiga
laga Jaray Maxay ku kala Duwanyihiin ka DJIBOUTI,!!!!!!!!!!!!!!!..?

Waxa uu Maanta Xadhiga ka Jaray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed
Maxamuud Siilaanyo Mashruuc ay Dalka KUWAYT Ka hirgalisay Dalalka
Somaliland iyo DJIBOUTI, kaasi oo magaciisu yahay Kaamka Waxbarashada
Iyo Samafalka ee KUWAYT, kaasi oo Ah runtii Dhisamayaal aad u qurux
badan oo ah mid loogu talo galay Agoomaha Labada Dal.

Haddaba haddaynu u gundadegno Bud-Dhiga Mashruucan laga hirgeliyay
labadan dale e kala ah DJIBOUTI iyo SOMALILAND, Haddaan ku horeeyo ka
dalka Djibouti waa sidan;
Waxa Dalka Djibouti Qaybta Boodhinka Dhigta Arday Dhan Cadad ahaan
2000-Kun Arday oo agoomo ah,
Qaybta Dhayga ah Waxa Gala 3000-Kun Arday, Waxaana Dhaqaale ahaan
Loo Siiyaa 100$ Dollar ardaygiiba (bas raac),
Waaxyaha ay uu u qaybsanyay Ka Djiboutina Waxay kala Yihin:
1. Faarada Ama Nijaarada –Bilaash,
2. Laydhka Ama Farsamadiisa –Bilaash,
3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah-Bilaash,
4. Laxaamada –Bilaash.

Haddaba, Walaalayaal sida ka muuqata mashruuca magaciisa oo ah Kaamka
Waxbarashada Iyo Samafalka ee KUWAYT inagoo u Daadegeyna Somaliland
kan laga hirgaliyey aan isku dayo Faahfaahintiisa Mashruuca inaad wax
ka dhugataan waxanu yahay sidan.
Ujeedooyinka Mashruuca
• Daryeelka iyo xanaanaynta Agoonta, Waxbarasho ahaan,maciishad
ahaan,iyo caafimaad ahaanba,si ay u noqdaan dad wax tar u leh bulshada
• In aan soo saarno Aqoonyahano iyo farsamayaqaano iyadoo la eegayo
baahidda wadanka iyo horumarinta bulshada
• Inuu ka qaybqaato horumarka guud ee Bulshada

Qaybaha uu Ka Koobanyahay Kaamku
• Dugsiga Sare
• Dugsiga Hoose/Dhexe
• Dugsiga Farsamadda
• Hoyga Agoonta iyo Ardayda kale
• Masaajidka
• Dhismaha Maamulka
• Qaybta Furinka
Haddaba, aynu u Daadegno ardayda Wax ka barata kan caasimada Hargeysa
oo isugu jira agoomo iyo caruurta tijaarta oo lacag fara badan laga
qaado waana sidan:

Somaliland Ama Caasimada Hargeysa Agoomaha Meesha ku Jiraa waa
Arday dhan 370- Arday (Saddex Boqol iyo Todobaatan)
Qaybta Barayfadka Gebi ahaan Munaasibada Laguma Soo Hadal Qaadin.
Caruurtii Fiiga Laga Qaadayeyna ee Tijaarta Waa La Fasaxay
Qaybaha ay uu u qaybsanyay kan Hargeysa iyo lacagta laga qaado qayb
kasta waxay kala yihin:
1. Faarada Ama Nijaraada –Lacag dhan $50 (Konton Dollar) bishii
2. Laydhka Ama Farsamadisa – $80 (Sideetan Dollar) bishii
3. Almuniumka Ama Dhismaha Casriga ah- $120 (Boqol iyo Laabatan Dollar) bishii
4. Laxaamada – $100 (Boqol Dollar) bishii.

Ardayda Ku Jirta Qaybta Barayfadka ah oo tiro ahaan ka Badan Tirada
Agoomaha laban-laab una qaysama (dhay iyo boodhin) qayb basas lagu soo
qaado iyo qayb boodhinka ku jira oo iyagu seexda sida agoomaha Lagu
Magacaabay Mashruucan. Iyadoo kuwaa barayfadka ah ee lacagta laga
qaado la qoro maalin walba ,Halka la yidhi Agoomihi Way idinka
Buuxsantay.

Qaybta Barayfadka Day School iyo Boodhin Waxaana laga Kala Qaadaa Lacag Dhan.
• Ardayga Dhayga ah ee Isagu ka Soo Rawaxa Waxa Bishii Laga Qaadaa
Lacag Dhan $70 (Toddobaatan Dollar)
• Halka Ardayga Boodhinka ah ee Isagu Seexanaya Waxna Ka cunaya laga
Qaado Bishi 160$ (Boqol iyo Lixdan Dollar) Lacagtaasi oo ka Fara Badan
Lacagta Ardayda Jaamacadaha laga qaado.
Su’aasha Iswaydiinta lehi waxay tahay Madaxweynuhu Ma School dad gaari
leedahay oo ah kii Tijaarta ama dadka Wax haysta ayuu u Furay Mise
School ay Agoomaha Somaliland loogu Deeqay ayaa La Furayey.

Madaxweyne Meesha aad maanta Furaysay waa meesha Caruurta Dhigata
Saddex Daloolow Laba Dalool waa Caruurta Tijaarta ee Lacagta aan sare
ku soo Sheegay laga Qaado Taasi oo aan jaamacadaha Dalka Ardayda
Dhigata aan laga Qaadin, Waxaana Lagu Badalay oo La celiyey Caruurtii
Agoonta ahayd, iIlaahay Hortina adigaa ka Masuul Ah Caruurtaa Agoonta
ah ee la dumiyay Laguna Badalay Kuwii tijaarta. Wax ka Qabashadeedana
Adaa Madaxweyne lagaa sugaya sidii Caruurtaa Agoonta ahi u heli
lahayd Deeqdaas Waxbarasho ee Ilaahay u soo Diray, Madaxweyne Waxaan
si sharaf leh kaaga Codsanaynaa Agoomahaa La Dulmiyey inaad Wax ka
Qabo.

Haddaba Akriste Waaxad Oogatan in meeshan Walidiinta bixisay laacagta
ee ubadkooda Geeyay inay booska ka Qaden Dad Agoomo ah Masakina taasi
oo Akhiraana ilaahay Waydin doono Dadka Maamulka Gacanta ku haya ee
Laacagta ka Dhigayna Waaxay ku Noqonaysa Xaaran ay ifka Qudanayan
Taasi Waaxa Markhaati ka ah Maanta oo u Madaxweyne Siillanyo Goob jog
u Aha Muunasibada isaguna uu Xadhiga ka jaray inay Faasax siyeen
Ardaydi Laacagta aha ee ay Qaybta Maalinlaha ah ugu tala galeen
keenena Muunasibada Ardaydi agoonta ahayd.

Tijaarta Waaxan leyahay Caruurtooda meesha geeyey marka meesha saddex
meelodow laaba meelod loo Qaybiyo waaxad Qadateen Miyeydan ka Baqayan
In Caruurtinu Agoomowdo Haddi Aad Caruurtina Dhisme Qurux Badan la
Jeceshina Uu Dhisa Waad u Dhisi Karaysane Kaan Agooma loogu talo
Galaye.

Waaxan ku Soo Gaboogabaynaya Walalayal Bal soo eega oo Soo Qimeeya
hadi waaxas aan sheegay waax laga waayo aniga aya xaal bixinaya
Xukumadana waaxan leyahay baal eega buuga la idin qaybiyey ee meesha
yaala meeshana soo koormera oo ruunta soo tabta hadaydanidinkuna ka
mid ahayn.

Cabdiraaxim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)
Cabdiraxiim9909@gmail.com
Hargeysa /Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here