Madaxweynihii Ugu Horeeyay Ee Xukunka Lagaga Riday Kacdoonkii Carabta oo Geeriyooday

0
893

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynihii dalka Tuniisay Zayn Al-Caabidiin Bin Cali oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyay ee xukunka lagaga tuuro kacdoonkii Carabta, ayaa maanta oo Khamiis ah geeriyooday.

Zayn Al-Caabidiin Bin Cali wuxuu ahaa 83 sano jir, wuxuuna dhintay isagoo ah dibadjoog ah ka dib markii dibadbaxyo xilka lagaga tuuray.

Bin Cali wuxuu dalkaas hoggaaminayay 23 sano, waxaana lagu amaanaa in uu Tunisiya ka dhigay meel xasilloon oo dhaqaale xoogaa ah haysata.

Former Tunisian President Zine al Abidine Ben Ali

Balse wuxuu wajahayaa dhalleeceyn baahsan oo ah inuu cabudhiyay siyaasiyiinta iyo inuu musuqmaasuq sameeyay. Sannadkii 2011-kii, waxaa xilka ka tuuray dibadbaxayaal kacdoon sameeyay.

Xil ka tuuristiisa waxay sababtay kacdoon ku baahay dalalka Carabta oo si weyn ugu caan baxay Gugii Carabta.

Ugu yaraan tobannaan ka mid ah dalalka Carabta waxaa xilka laga tuuray madaxweynayaashii ama waxaa ka bilowday dagaal, taas oo sababtay markii dadka ay arkeen inuu dhacay xukunkii Tunisiya.

Bin Cali wuxuu u cararay dalka Sacuudiga, halkaas ayuuna ku noolaa. Maanta oo Khamiis ahna ayuu ku dhintay dalkaas.

Waa kuma Zayn Al-Caabidiin Bin Cali

Madaxweynihii 2aad ee Tunisia, Zayn Al-Cabidiin Bin Cali, ayaa lagu khasbay in uu dalkaas isaga cararo intii uu socday kacdoonkii dadweyne ee sannadkii 2011-kii, kaas oo markii dambe ku fiday qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Wuxuu xilka ku qabsaday afgembi uu 23 sano ka hor xilka kaga tuuray madaxweynihii xukunka uga horreeye, Xabib Bourguiba. Markii uu talada la wareegay, wuxuu Bin Cali ballan qaaday isbaddal, dimuquraadiyad, iyo in haweenku ay waxbartaan ayna xuquuqdooda helaan.

Hase ahaatee, dalka ay dariska yihiin ee Aljeriyaa oo dagaal dhiig badani uu ku daatay uu ka socday, wuxuu ku qasbay in uu ka cabsado Islaaamiyiinta halkaas ku dirirayay waxayna taasi keentay in ka hortago kooxahaas oo kusoo fiday xudduudda labada dal. Sidaa awgeedna wuxuu ku gulldaraystay in uu dhiso bulsho furfuran.

Wuxuu sare u qaaday koboca dhaqaalaha Tunisiya, balse waxaan cidina laga “dhaadhicin karin” in saddexdii doorashaba uu ku guuleystay boqolkiiba “99.9%”.

Xog diblumaasiyadeed oo uu daabacay Wikileaks, ayaa safiirkii hore ee Maraykanku wuxuu ku tilmaamay Bin Cali iyo qoyskiisa in ay dadweynuhu u arkayeen sida maafiyo oo kale, isagoo ka sheekeeyey musuqmaasuqii ba’naa ee dalkaas ka jiray arrintaas oo ka cadheysiisay waddankaas.

Sannado badan oo cadaadis ah ka dib, waxay wax kastaba isbaddaleen markii uu geeriyooday Mohamed Bouazizi oo iibin jiray khudaarta oggolaansho la’aan, maadaama uu waayay shaqo kale.

Bishii December 2010-ki, Bouazizi ayaa is gubay, arrintaas oo keentay in dibadbaxayaal badan ay jidadka isugu soo baxaan, waxayna markii dambe sababtay in Bin Cali uu dhaco. Cid walba ayaa la yaabtay in uu ku cararay diyaarad geysay Sacuudi Carabiya.

Bishii June ee 2011-kii, ayey maxkamad ku taalla dalka Tunisiya ku xukuntay 35 sano oo xabsi ah isagoo maqan, waxayna ku eedeysay ku takrifalka hantidii dadweyne.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here