Madaxweynihii Hore Galmudug oo Ku Damaashaadaya Magaalada Hargeysa (Sawirro)

0
2503

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa la arkay isagoo ku damaashaadaya koonfurta magaaladda Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Xaaf oo dhowaan ka degay xilka madaxweynenimo ee maamulka Galmudug ayaa casuumad soo dhowayn ah loogu sameeyay duleedka koonfureed ee magaalada Hargaysa.

Waxaa madaxweyne Xaaf casuumada u fidiyay qaar ka mid ah ganacsatada Somaliland oo mudo dheer xidhiidh ganacsi ka dhexeeyay oo uu qaarkood soo gacan qabtay dhinaca ganacsiga.

Axmed Geele Xaaf ayaa dhawaan soo gaadhay magaalada Hargeysa, isagoo ka soo baxay magaalada Gaalkacyo, siin maray Gobalka Sool oo uu uga sii gudbay Hargeysa.

Ma cadda ujeedada rasmiga ee Xaaf ku joogo magaalada Hargeysa, inkastoo uu Axmed Ducaale Xaaf yahay Ganacsade caan ka ah Geeska Afrika oo hawlgalo Ganacsi ballaadhan ku leh, oo ay ku jirto Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here