Madaxweyne xigeenka Somaliland oo jawaab adag ka bixiyay hadal ku saabsan Badda Somaliland oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia

0
1060

Madaxweyne ku xigeenka SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka jawaabay hadal ku saabsan Maamulka Badda iyo Hawada Somaliland oo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweyne xigeenku waxa uu sheegay inaan Somaliland cidna gorgortan kala galayn Xuduudaheeda Baddeed iyo Hawo.

Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa ku saabsanaa Shirkad uu la galay Heshiis dhinaca Badda Somalia ah oo ta Somaliland ku jirto iyo Qoraal uu sheegay inuu u diray Qaramada midoobay oo uu ku sheegay cabbirka badda Somalia oo badda Somaliland ku jito. Waxa uu sheegay inay ilaalinteeda masuul ka yihiin.

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo ka jawaabaya sheegashada Badda Somaliland ee Somalia ayaa yidhi “ Sheegashada Reer Somalia maanta sheeganayaan Somaliland, maaha mid wax ka jiraan. Hawada Somalialnd iyo Badda Somaliland na cid aanu Gor-gortan kala galayno ma jirto, waxaa maamulanaya oo u madaxbanaan Dawladda Somaliland iyo dadkeeda.Cidkasta oo heshiis lagula galayna waxaanu uga digaynaa inaanay u arag in Heshiiskaasi yahay mid khuseeya Somaliland iyo Xuduudaheeda oo ah sidii Gumaystihii Africa qaybiyay kaga tagay.”

Madaxweyne xigeenka Somaliland oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaanay Aqbalayn cid kasta oo Magaca Somalia heshiis ku gashay inay Somaliland soo fara galiso “ Cid kasta oo heshiis kula gashay Magaca Somalia Xuduud baddeed ama Hawo waxay ku eekaanaysaa intii Somalia la odhan jiray ee Talyaanigu gumaysan jiray. Sidaasi darteed horena waanu u cadaynay, iyadoo todobaadkii hore Golaha wasiiradu go’aan ka soo saaray, inaanay na khusayn heshiis kasta oo Somalia gashay. Waxaanu Madaxweynaha Somalia leenahay haddii aad ugu faanayso Baarlamaankaaga oo aad iska dhigayso mid wax qabtay, waxay ku eegtahay uun intaad xukunto, iyadoon ogahayba inaanay jirin inbadan oo dalka uu xukumaa, laakiin arintaas wax Somaliland ka quseeyaa ma jiro.”

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here