Madaxweyne Xigeenka Oo Abaalmarino Gudoonsiyay Ardayda Ku Guulaysatay Tartanka Al WAXYAYN Oo Hargeysa Lagu Soo Gabgabeeyay + SAWIRRO

0
995

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Mud. Cabdirahmaan Saylici, Wasiirka Arimaha Gudaha Mud. Cali Maxamed Warancadde, Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Sheikha Khaliil Cabdullahi Axmed, La Taliyaha Madaxweynaha Haldoor Barkhad Baatun Iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukumadda, Culimaa’U Diin, Madaxdhaqameed Iyo marto sharaf kale Ayaa Maanta ka qayb galay Munaasibadda Xidhitaanka Tartanka QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al Waxyayn ee Sanadkan 2014.
Munaasibadda lagu Soo Gunaanadayay Tartanka QUR’AANKA iyo XADIISKA ee Al Waxyayn ayaa ka dhacday Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa waxana Tartankani Noqonayaa Kii ugu balaadhnaa ee Taariikh-da Abid dalka ka qabsooma marka loo eego tiradda Aradayda Tartamayaasha ee Ka qayb galay Oo dhan 681-arday Isugu jira Wiilal iyo Hablo kana Kala Socday Goboladda Somaliland Oo Dhan.
Dr Xuseen Xassan Gudomiyihii Gudida garsoorka Ardayda ee Axaadiista ayaa dhankiisa ka warbixiyay Ardayda ay dhexda u ahaayeen waxana Uu Tilmaamay Inay la kulmeen arday Xiftigooda iyo Weliba toosnidda Carabooda laga dheehan karo Dedaalka la geliyay Sahlina kara in Somaliland iyo Qarankoodaba ay u metelaan tartamadda Caalamka tartamadda Noocan oo kale ah.
Muuse Xaaji Cali oo isna ka tirsan gudida Garsoorka quraanka Ee Ardaydani ayaa dhankiisa iftiimiyay sida ay dedaalka uga muuqday ardayda ay Dhexda u ahaayeen isagoona bogaadiyay Madarasadaha macalimiinta waqtiga Geliyay Iyo weliba Haayada tartanka Soo Diyaarisay Ee AL-HAYAAT
Sheikha Abddale Almakaawi oo isagua ku hadlayay afka Culimaddi Munaasibadaasi kasoo qayb gashay ayaa Iftiimiyay sida muhimka u tahay in ubadkeena lagu baraarujinta laguna barbaariye Diinteena Suuban ee Islaamka Isagoona dhankiisa Bogaadiayay Haayada tartanka So Diyaarisay AL-HAYAAT iyo Weliba Shirkadaha kala Qayb Qaatay Maalgeelinteeda.
Gudomiyaha Haayada tartanka So Diyaarisay AL-HAYAAT Cabdixakim Saciid Barre oo ugu horaynba munaasibadan ka Hadlay ayaa dhankiisa ka warbixiyay Dedaalka ay ugaleen Qabsoomida Tartan dimeedkani isagoona hambalyeeyay shirkadaha ka gacansiiyay Qabsoomidiisa iyo Weliba Jamciyadda daarul bir oo dhankeeda si weyn ugala qayb qaadatay isagoona xusay inay tartankan ka qayb galeen 46 Madarasadood oo Hargeysa ah 12- Kale oo ka kala Socda goboladda Dalka.
Wasiiradda Arimaha Gudaha Iyo Diinta Mud. Cali Maxamed Warancadde Iyo Khaliil oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa dhankooda si isku mid ah u Bogaadiyay hayadda khayriga Ah ee tartankan soo diyaarisay iyo weliba Cid walba Oo Kala qayb qaadatay waxanay tilmaameen Sida umad walba ugu hormarto inay ku dhaqanto diinteeda Suuban iyo Weliba Sunaha Nebiga NNKH- .
Gabagabddi Munasibadan Waxa halkaasi ka hadlay Madaxweyne Xigeenka Dalka oo sheegay sida ay u mudan tahay Inaanay jirin wax ka qiimo badan inay kasoo qayb galaan munaasibad lagu tartamayay Quraanka kariimka ah iyo axaadiista Islaamka isagoona hambalyeeyay Haayada AL-HAYAAT Iyo cid walba oo kala qayb qaadatay.
Ugu Dambeynti Madaxweyne Xigeenka ayaa Ja’iizoyinki Loogu tala galay Gudoonsiiyay Ardayda kaalmaha hore ka galay tartankaasi Waxana Abaalmarinaha lagu Guulaystay tartankani isugu jireen Hadyaddo Gaar ah, Lacago Dollar Ah Iyo Weliba XAJJI-Ka Oo ay ku guulaysteen ardayda Kaalinta ugu horaysa gashay tartamadani.
Iyaddona Haayada AL-HAYAAT Shahaadooyin ku maamuustay Madaxweyne Xigeenka Somaliland, Hay’addaha Dar Al Bir,iyo Haayadda Caalamiga ah ee xifdiga qur’aanka  Shirkadaha TELESOM Iyo JUBBA Iyo weliba Hotel Ambassidor
Tartanka Al Waxyayn Ayaa waxa soo diyaarisay Haayadda AL HAYAAT waxa maalgalintiisa ka qayb qaatay muxsiniin kala duwan oo ay hormuud ka tahay shirkadda Telesom, Ambassador Hotel, Jubba Airlines, Hay’adda Caalamiga ah ee xifdiga qur’aanka iyo Hay’adda Dar Al Bir.
Halka Ka Akhri Magacyadda Iyo Ardayda Ku Guulaystay Tartankaasi
30 Jiz, inamada
1. Axmed yaasiin Yusuuf maxamuud Ismaciil,    Daru tawfiiq.   Hargaisa
2. Khalid Maxamed cismaan Cali,                       Daaru Tawfiiq,  hargaisa
3. C/laahi Cali Sulayman rooble,                          Darul itqaan,    Burco

20 Jiz, inamada
1. Maxamed c/Raxiim axmed.                             Darul itqaan,   Burco
2. Maxamed sugule siciid cismaan.                     Daru Tawfiiq,   Hargaisa
3. Cali Aadan cismaan hurre                                Darul Huda,     Hargaisa

10 Jiz, inamada
1. Jimcaale Shacbaan c/Raxman cismaan.       Daru tawfiiq,     Hargaisa
2. C/fataax c/laahi Faarax axmed.                      Daru Tawfiiq.    Hargaisa
3. Suhayb kayse c/laahi Maxamed.                    Daaru Sunna,   Wajaale

30 Jiz, hablo
1. Asma maxamuud Nuur Muxumed.               Darul ixsaan,     Hargaisa
2. Xafsa Maxamed Aadan Xasan.                     Imaamu Naafic,  hargaisa
3. Xamna axmed geelle axmed.                        Xijaaz,                 Hargaisa

20 Jiz, hablo
1. Nuura jaamac Iidle samatar.                         Daarul caqiida.     Hargaisa
2. Faadumo c/Raxman Cali guuleed.                Daaru Tawfiiq.      Hargaisa
3. Asma axmed Cabdi.                                     Daarul ixsaan.       Hargaisa

10 Jiz, hablo
1. Asma axmed maxamuud xuseen.                Maryama bintu cimraan, hargaisa
2. Hodan axmed maxamed xuseen,                 Maryama bintu cimraan , hargaisa
3. Amal Rashid c/laahi aadan.                          Daarul ixsaan,          Hargaisa,

Qaybta axaadiista
Cumdatul axkaam, inamada
1. C/majiid axmed Digaale mire.                       Daaru Tawfiiq, hargaisa
2. Khaalid axmed Maxamed Xayd.                   Ibnu taymiya, hargaisa
3. Shucayb xuseen axmed ducaale.                 Daaru tawfiiq, hargaisa

Arbaciin, inamada
1. C/Risaq maxamuud c/laahi Nuur.               Xijaaz,   Hargaisa
2. C/Risaq xuseen Aadan Cawl                      Imaamu Malik, hargaisa
2. Axmed Aadan Maxamed Aadan.                Imaam Al qaxdaani, hargaisa

Cumdaha, hablaha
1. Shamsa c/qaadir Ibraahim Cali.                  Ibnu taymiya, hargaisa
2. Najma c/laahi Maxamed maxamuud.          Darul Huda, hargaisa
3. Asma c/Raxman xuseen Warsame              Darul Huda, hargaisa

Arbaciinka, hablaha
1. Hodan Cumar c/laahi Cali.                           Khadija bintu khuwaylad, hargaisa
2. Fadumo kayse Aadan axmed.                      Darul Huda, hargaisa
3. Nasteexo Yusuuf Bashiir Xirsi.                      Ibnu taymiya, hargaisa

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here