Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga ka Tacsiyadeeyay Geerida Sh. Cumar Qowdhan Muxumed

0
1109

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum-Sheekh Cumar Qowdhan Muxumed oo shalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, kana mid ahaa halgameyaashii ururkii SNM.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmede Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland guud ahaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Sheekh Cumar Qawdhan Muxumed oo ku geeriyooday 04/02/2015 magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mujaahid miisaan culus ku dhex leh qaranka somaliland iyo shacbigaba, baal dahab ahna kaga jiray, una hibeeyey wakhtiyadii adkaa ee dalku ka soo gudbay maalkiisa iyo muruqiisaba, door muhiimana ku lahaa nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa culimada waa weyn ee dalka.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

LEAVE A REPLY