Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta ka qaybgalay Xafladda Qalinjebinta Dufcadii 16aad Ee Jaamacadda Golis Ee Magaalada Hargaysa + SAWIRRO

0
1435

Hargeysa,  (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa maanta ka qayb galay xaflada qalinjebinta dufcadii 16aad ee Jaamacadda golis ee magaalada hargaysa, xafladani oo ahayd mid si weyn loo maamuusay ayaa waxa madaxweynaha ku wahelinayay wasiiro kamida xukuumada, guddomiyeyaasha hay’adaha dawladda, guddomiyaha maxkamada sare, madaxda axsaabta qaranka iyo aqoonyahano tirro badan oo munaasibada goob joog ka ahaa.

Guddomiyaha guud ee jaamacadda golis Dr Siciid ayaa faa-faahin ka bixiyay kordhka ardayda jaamacadda ku yimi iyo sidoo kale halka ay gaadhsiiyeen aqoonta ardayda jaamacadda waxaanu sheegay Guddomiyuhu in waxbarashada Somaliland marayso halkii ugu saraysay isagoo si weyna ugu mahad celiyay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo.

Guddomiyaha Maxkamada sare, guddomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo masuuliyiiin badan oo xafladda hadalo kasoo jeediyay ayaa dhamaantoodba ka sheekeeyay muhiimada ay aqoontu u leedahay aadamaha iyagoo ardaydana ku waaniyay inay waxbarashada sii wataan.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo khudbad dheer ka jeediyay madasha qalin-jebinta ardayda jaamacada golis ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland itaalkeedii dul dhigtay tayaynta iyo kor u qaadida  waxbarshada dalka, wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne silaanyo wax weyn ka qabtay horumarinta cilmiga iyo tayanta ardayada iyo gunayanta macalimiinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay guud ahaan ardayada sanadkan ka qalin jebisay jaamacadaha kala duwan ee dalka gaar ahaana jaamacada golis ayaa ku hambalyeeyay dadaalka dheer ee ay usoo galeen inay wax bartaan isagoo madaxweynuhu ALLE uga baryay inay noqdaan kuwii dalkooda, dadkooda,iyo diintoodaba anfaca waxaanu yidhi Madaxweynuhu”

Bismilaahi raxmaani raxiim…

Dhamaan marti sharafta,masuuliyiinta kala duwan, madaxda jaamacadda, macalimiinta iyo ardayada Aslaamu calaykum waraxamatulaahi wabaarkaatuh.

Mudanayaal iyo marwooyin

Waxa sharaf weyn bay ii tahay in aan idinkala soo qyab-galo xafladda qalin-jebinta dufcadii 16aad ee jaamacadda golis waxaan hambalyaynayaa ardayda maanta ka qalin jebisay kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda Golis Hargeysa, sidoo kale waxaan ammaan iyo hambalyo u dirayaa waalidiinta da’yartan kusoo tacabtay iyadoo cidkasta oo gacan ka gaysatay ay guushan gaadheen.

Dhinaca kale anigoo ka faa’idaysanaya munaasibadan qiimaha badan, waxaan jecelahay in aan halkan bogaadin uga jeediyo guddomiyaha, guddomiye-kuxigeenka madaxda iyo macalimiinta jaamacadda golis dadaalka iyo horumarka ay ku talaabsadeen mudadii ay jaamacaddu jirtay.

Mudanayaal iyo Marwooyin.

Waxaan hogaamiye ahaan qirayaa in jaamacadda golis ay door weyn ka qaadatay tayaynta waxbarshada dalka islamarkaana ay xaqiijisay is-bedel mug iyo miisaan leh mudadii ay jirtay waxa muuqata inaad gaadheen in badan oo kamida himilooyinkiini aad hiigsanayseen

ugu danbayn waxaan leeyahay ardayada qalin-jebisay inkasta oo aad shahaadooyin maanta qaadateen hadana waxa xaqiiq ah inaad badweyntii cilimiga aad bilawdeen .

Ducaqabayaal .

Cilmigu waa bad bilaa deked ah oo aan lahayn bar uu ku dhamaado sidaa darteed waxa idinla gudboon inaad dadaalka waxbarshada halkaa kasii wadaan oo aydaan ka daalin. Waxaan idinku dardaarayaa, in aad u yeelataan halganka aqoon raadinta sabir iyo adkaysi, si aad u gaadhaan maqaam aad u sareeya.

Waxaan ku Kal-soonahay, in aad hibo u leedihin hal-abuur iyo himilo fiican, oo aad ku gaadhi kartaan horumar weyn, isla markaana aad dalkiina hooyo wax tari kartaan.

Duca-qabayaal,

Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun-xun, ee afeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, taariibta, dal nacaybka iyo bal-wadaha.

Dhammaanteen, ummad ahaan, waxa inala gudboon, in aynu gacmaha is-qabsano, una midowno ilaalinta nabadgelyada iyo danta guud ee qarankeena, si aynu u gaadhno bash-bash iyo barwaaqo.

Eebaa Gallad Leh, Gobannimana shacbigaygaa Leh,

Guuleysta,,   Guuleysta,,    Guuleysta,

LEAVE A REPLY