Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey Guddoomiyaha iyo Tifaftiraha Wargeyska HAATUF

0
1223

madaxda haatufHargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis ku siidaayay Guddoomiyaha Wargeysyadda HAATUF iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cige, oo muddo ku xidhnaa xabisga magaaladda Gabiley.

Sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, madaxweynaha ayaa amar ku bixiyay ka hor intii aanu shalay dalka ka dhoofin in xoriyadooda loo soo celiyo Guddoomiyaha Wargeysyadda HAATUF iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargeyskaasi Axmed Cali Cige.

Labadda suxufi ayaa 25-kii bishii June ee aynu ka soo gudubnay maxkamada Gobolka Maroodijeex waxay ku xukuntay Guddoomiyaha Wargeysyadda HAATUF iyo Somaliland Times Yuusuf Cabdi Gaboobe saddex sano oo xadhig ah iyo lacag ganaax ahayd, halka Tifaftiraha wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige isna ay maxkamaddu ku xukuntay afar sano oo xadhig ah.

Iyada oo maxkamadu sheegtay in uu ku cadaaday wax ay ku tilmaantay aflagaadayn madax dawladda ka tirsan iyo in ay faafiyeen warar been abuur ah oo khal-khal gelinayay nabadgeliyadda dalka.

Hase yeeshee labadda suxufi iyo qareenadoodii difaacayay ayaa waxay ku doodeen in xukun sharci darro ahi uu ku dhacay, isla markaana arrinta lagu xidhay ay tahay warar la xidhiidha musuq maasuq oo ay ka qoreen Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo shaqsiyaad kale oo muwaadiniin ah.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY