Madaxweyne Siilaanyo Iyo Madaxweyne Mugabe Oo Isla Maalintii 21/11/2017 Xilkii Lagala Wareegay !!?

0
1728
Mawliid Axmed

Sidee xilka looga wareejiyay mugaabi iyo siilaanyo. Siday Kala ahayd ? Maxay iskaga mid ahayeen. Maxayse ku Kala duwanayeen.! Intaan maqaalkani soo bandhigin waxan idin Xusuusinayaa maqaal hore oo aad loogu soo halqabsaday oo maalintaa 6/4/2014 oo maalin adag ku ahayd
Mwaynaha hada la doortay mudane, muse biixi cabdi Maqaalka Taladiisii waala qaatay oo mwayne siilaanyo ayaa yidhi, jidkii mandeela ayan marayaa. Hadaba akhrisde maqaalkan hada iga gudoon,

Madaxwayne  siiraanyo jidkii Mandela iyo mugaabi keebuu qaadan doonaa?
“Side xeegana xeego ku noqotaa ilkana u nabad galaan”

Mudane m/wayne waxaad iga gudoontaa talo bixintan  badbaado qaran oo tusaalayn iyo taageero xambaarsan ahna waajib qaranka iga saran in aan ka hadlo xaalada taagan iyo waxa lagu xalin karo.

Intaa ka dib, tusaale hadaynu u soo qaadano labada mujaahid ee dalkooda u soo halgamay ee xoreeyey, xukumay kalana ah: Mandela, iyo mugaabi sidee loo kala qiimeeyaa.

Mandela ,isagoo xidhan ayuu dalkiisa xoreeyay ka dibna xukumay mudadii uu xilka hayay waxaa uu dhisay xisbiga ANC oo awood wayn leh iyo taageerayal midaysan, markii uu xilkii ka dhamaaday waxa uu xisbiga ku wareejiyay ku xigeenkiisii oo m/wayne dalka ka naqday ,sidoo kale ku xigeenkii Mandela markii uu xilkii ka dhamaaday  waxa uu isaguna xilkii ANC ku wareejiyay m/waynaha hada talada haya oo ah kii sadexaad ee lagu wareejiyo ANC.

Mandela, markii uu xilka ka degay ayuu ka qiimo batay markii uu xilka hayay oo hadii uu Duri ku dhaco waxa laga wada dareemayey dalka oo dhan oo looga soo wada ducayn jiray waxaana loo sameeyay aaskii m/wayne afrikana ah kii ogu qiimo badnaa.

Sidoo kale,m/wayne Mugaabi markii uu dalka xoreyay ee xukumay kan degi waayay ilaa manta waxa dalka iyo dadka soo gaadhay baaba dhaqaale dagaal sakeeye iyo kala qaybsanaan bulsho waxaa laga nacay dalka oo dhan hadii uu xanuunsado waxa la wada rabaa in uu ka dhinto hadii uu dhintana kama duwan dameer bakhtiyay.

Sidoo kale,m/waynayaasha s/land waxa lagu seexiyaa been sida caruurta, hooyadu ilmaheeda yar marka ay caano u waydo waxay afka u galisaa masaasad beeneed madhan oo ilmuhu ku seexdo isagoo wax dheefa ka helin, intaa ka dib m/waynaha waxa lagu seexiyaa taageero beena oo murayada TV,ga laga tuso, taageeradaa beenta ah waxa soo abaabula wasiiro,badhasaab, maayar iyo cid kasta oo xil ka haysa xukumada waxay adeegsadan afmesharo dadka rajo beena u soo sheega marka wixii ay kula soo balamen la waayo cadho iyo kala fogayn xukumada ayay arintani keentaa, waana arintii lugaysay m/waynihii hore, ee m/wayne adigoo arimahaa ka fa,idaysanaya  waxaad kuwa xilalka haya ku qiimaysaa waxa uu umada u qabto oo lagugu taageerayo, laakiin sida uu TV,ga oga qayliyo hadaad ku qiimayso waa waxaan waxba ka jirin qayladu waxay erido mooyee waxba ma soo kordhiso adna lagu seexi halkad kala xisaabtami lahayd.

Intaa ka dib, hadaan u soo dhadhaco xaalada hada taagan m/wayne xisbigii kulmiye shirwayne qaran ayaad ku wareejisay oo go,aanka xisbiga waxa iska leh cidii shirwaynaha lagu doortay, m/waynuhu wuxuu xisbiga ku leeyahay maamuus, laakiin hadii uu dhisaayo golaha dhexe iyo gudiga fulinta muxuu ku wareejiyay ragii xisbiga loo doortay, sidoo kale, m/waynuhu miyaanu ogayn xisbiga kulmiye labadii jeer ee sharcigu musharaxa xisbigu dhigay in ay ka dhamaatay, sida gudoomiyaha ocud oo musharaxnimadii xisbigu ka dhamaatay.

Isku soo wada duuboo, galaha guurtida waxaan kula talinayaa’ si xeegana xeego u naqato ilkana u nabad galaan’ m/waynuhu waa musharax xisbi uu iska sharaxo gacanta kuma hayo marka laga reebo xoog iyo caga juglaynta uu wado ee sharciga haysan mooyee.

Sidaa darted,m/waynaha ma odhan karno xilka ayuu jacalyahay ee waxaynu odhan karnaa hada waxa u muuqatay qabyada badan ee ka muuqata ma shaariicdii uu gacanta ku hayay kol ay tahay guriga madaxtooyada oo qabyo ka muuqato.

Hadaba, golaha guurtida waxaan kula talinayaa in waqti uu ku dhameeyo qabyadaa loo kordhiyo oo ah  laba sano waxaana labada sano marka loo kordhiyo laga rabaa in xisbiga kulmiye faraha ka qaado musharaxa xisbigana uu noqdo gudoomiye muuse biixi cabdi,

Mudada labada sano ee loo kordhiyay waxa laga rabaa in doorashada xisbiyadu  ay ku tartamaan uu diyaariyo, hadii mudada labada sano ah doorashada ku diyaarin waayo, waxa talada dalka la wareegaya gudoomiyaha guurtida oo mudo sanad gudihii ku diyaarinaya daarasho ay xisbiyadu ku tartamaan.

Sidoo kale, labada xisbi ee wadani iyo ocud, wadani xukumada hadii waqtiga loo kordhiyo isna waa loo kordhiyay, laakiin xisbiga ocud waxaan ku talinayaa mudada labada sano ee xukumada loo kordhiyay, ocud dhaqaalihii la siin jiray ha loo libanlaabo mudada labada sano ee wax la kordhiyay si waqtiga kordhay kharashkiisa u helaan.

Heshiiskani qaraal  cad oo la wada saxeexo ha naqdo sida xukumada, sadexda xisbi qaran iyo galayaasha qaranka markhaati cad ha looga dhigo kuwa doorashada daneeya.

Akhriste ku darso dareenkaaga maqaalka wax ku dar ama wax ka dhin waxa kale oo aan soo dhawaynayaa hadaad igu taageerto ama igu dhaliisho laakiin ha ka aamusin.

m/wayne axmed jidkii Mandela iyo mugaabi ka mari doono isagaa go,aankeeda leh.

Inta ka dib, akhrisde waxad iga filaysaa maqaalka Mwayne siilaanyo iyo Mwayne Mugaabi oo isla maalin xilka lagala wareegay Maxay wadaagaan maxay ku Kala duwan yihiin ee lagu Kala qiimayn doonaa,
Waa maqaal xiiso badan oo waxa qabsoomay iyo waxa qaloocday aynu ku soo bandhigi doono ee filasho wacan.
ALAAH MAHADLEH

WQ; Mawliid Axmed JIbriil

xaqsheeg@hotmail.com

LEAVE A REPLY