Madaxweyne Muuse Oo Siciid Sulub Lasocdo iyo Gudoomiye Ciro oo Maxamed Biixi Lasocdo Heshiis Fiican ayey Gaadheene Ma Waxa Ka Maqnaa Xudduntii Khilaafka Beesha Dhexe

0
791

HARGEYSA – In baddan ayaad moodeysay, in Madaxweyne Muuse Biixi ballan-fur iyo Axdi ka bax ku sameeyay khilaafkii u dhexeeyay Xisbiyadda Qaranka ee Mawduucii Dorashooyinka iyo Dimuqraadiyadda Somaliland kuwaas oo dib-udhac iyo ku keenay Doorashooyinkii Golaha Wakiilada iyo D/hoose niyad jabna ku ridey kumanaan Muwaadiniin ah oo damac kaga jirrey kuraasta Baarlamaanka una soo diyaar garoobay Doorshadii iyo tacabkii ka gali lahaaba laakiin illaahey, ayey tiisii tahey,e ee Madaxweynuhu dib-udhaca iyo khilaafkaba sabab ugu noqdey Komishanka uu marba dhinacuu doonay u dhigay.

Waxeynu wadda ogayn oo umadda Somaliland ka markhaati aheyd in Gudoomiyaha sida foosha xun loogu soo dhigay Komishanka Doorashooyinka Cabdirashiid Riyo-Raac murug Siyaasadeed iyo dhibaato hor leh uu hormood u ahaa maadaama uu yahey ninkii hore ugu ololeeyay Xisbiga Kulmiye Doorashadii hore oo yidhi Reer Hebel Xattaa Doorashada Dambe heli maayaan, taas oo isagii haddana layidhi haka noqdo Garsoore dhexdhexaadinaya oo isagoo dhexda la dhigey haddana beeshiisii Warbaahinta uga doodayso, runtii ma yareyn khilaafkaasi xattaa Gudoomiyaha Guurtidu Qeybta ka yahey ee aynu hadalkiisii u dambeeyay maqleynay isagoo u doodaya Ninkaa uu ku Sanduleeyay Madaxweyne Muuse Biixi caruur iyo Ciroole iyo Culimaba cilinkiisa saari weyday oo lawada arag in ninka(Madaxweynaha), ah Cunaha lagaga duuban yahey nacasnimo Siyaasadeed iyo Go,aan guracan oo Dawladnimada ka aradan ku aheyd.

Haddaba miyaanay maanta dadku isweydiinayn, Kulankan ay wada yeesheen kuna kulmeen ADISSABABA Madaxweyne Biixi iyo Gudoomiyaha Xisbiga ugu Weyn Mucaaridka Somalland Cabdiraxmaan Cirro ee ay ka maqneyd cidii loo tuhunsanaa Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland khusuusan(Beesha-dhexe), mid  aanu Madaxweynuhu mar dambe balan-fur ku sameynin oo uu sidiisa uga soo baxo annigu Najiib ahaan Waan aaminsanahay in go,aanadiisii hore wax iska badeli karaan mar haddii isaga uu la socdey(Madxweynaha), Siciid Sulub,  Gudoomiye Cirrona uu lasocdey Maxamed Biixi yoonis waa bilaa khilaaf meeshaa habarmagaade isfaham ayaa jiri doona.

Sikastaba ha ahaatee, Waxeynu ka fileynaa haddii aaney Madaxwyne Biixi Marka uu Hargeysa uu kusoo laabto aanu Saleebaan sidiisii u hanjabin oo ka dhabar adeygo in uu arintaa meel iskaga tiirin doono halkaana lagu ogaan doono in Burjigiisu ka xuubsiibtey cidda loo tirinayo khikaafka waa inoo iyo soo noqodka Adissababa.

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:-0634466339

LEAVE A REPLY