Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka hadlay Muranka Uu Xisbiga WADDANI Ka Keenay Komishanka Cusub ee La Ansixiyey

0
684

Hargeysa, (HargeisaPress) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira, dedaallada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen bahda caafimaadka ku hawlani.

Munaasibadda carwada oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda horumarinta Caafimaadka,  kullliyadaha kala duwan ee dhinaca Caafimaadka  ee  jaamacadaha dalka ka jiraa leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya, shirkadaha kala duwan ee ka ganacsada agabka caafimaadka, dhakhaatiir iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu caafimaadku nolosha u leeyahay, cudurrada kusoo badanaya bulshada Somaliland iyo dedaalka ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku ugu jirto sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka bulshada Somaliland.

Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horrayn madasha ka hadashay, ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay daryeelka caafimaadka Bulshada iyo ka wada-tashiga sidii looga hortegi lahaa cudurrada halista ku haya nolosha bulshada reer Somaliland, waxana ay hay’adaha caalamiga ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ka costaday inay xil gaar ah iska saaraan  sidii meesha looga saari lahaa xannuuno aan hore u jiri jirin oo lagu arkay Hooyooyin iyo dhallaanka reer Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Somaliland, Mudane Cumar Cali  Cabdilaahi oo hadal dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan daryeelka bulshada ee dhinaca caafimaadka, isaga oo xusay inay wasaaradda uu masuulka ka yahay ku dedaashay sidii adeegga caafimaadka iyo agabka lagama maarmaanka ahba u gaadhsiin lahayd deegaannada caasimadda ka durugsan ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku shaaciyey in carwada caafimaadka ee ka furantay caasimaddu ay wasaarad ahaan iyagu soo abaabuleen, ugana gol leeyihiin sidii looga wada-tashan lahaa horumarinta caafimaadka oo hawlbawle u ah nolosha ummadda, islamarkaana uu muddo saddex maalmood ah oo ay carwadani socon doonto ay barbar wadayaan shirar kala duwan oo lagu  gorfaynayo caafimaadka guud ee qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hadal ka jeediyey carwada caafimaadka lagu furayey, ayaa ugu horrayn bogaadiyey bahda caafimaadka ku hawllan, isaga oo  xirfadle kasta oo caafimaadka ka shaqeeya ku sifeeyey mujaahid badbaadinta shacabkiisa nafta u huray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inaad shirkan isugu timaaddeen oo ka tashanaysaan sidee ummaddiina loo daaweeyaa iyo sidee loo daryeelaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa, waanan idinku garab gelayaa, waanan idinku dhiirrigelinayaa, waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin qiro in Innanta maanta baranaysa Kalkaalisinimada ama ummulisada, ama inanka baranaysa kalkaaliyenimada in haddii cidi mujaahid tahay aad dhammaantiin mujaahidiin tihiin.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada caafimaadka, isaga oo mid mid usoo kormeeray goobo ay kulliyada caafimaadka ee qaar kamid ah jaamacada dalka iyo ganacsatada ka ganacsata agabka kala duwan ee caafimaadku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay qabtaan iyo agabka ay keenaan.

LEAVE A REPLY