Madaxweyne Muuse Biixi oo Ciidamo Dul-dhigay Qoysas Danyar Ah oo Uu Ku Haysto Dhul

0
8517

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu awood dawladeed u adeegsaday qoysas danyar ah oo uu ku haysto dhul ay degan yihiin, isagoona Ciidamo tiro badan duldhigay qoysaskaasi.

Ciidamadan oo ahaa kuwo Boolis oo tiradoodu ahayd ilaa laba Guuto ayaa waxaa ay gabi ahaanba Burburiyeen Dhulal badan iyagoona u adeegsaday burburinta dhulalakaasi Cagaf-cagafyo ay wateen.

Dhulkan ay degan yihiin qoysaskan ayaa waxaa uu ku yaalaa galbeedka magaalada Hargeysa waxaanay qoysaskaasi degan ay tiradoodu dhan tahay 600 oo qoys.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa lagu soo daadiyay goobtaasi ay degan yihiin qoysaska danyarta ahi 4- subaxnimo ee shalay waxaanay qoysaskani ku waabariisteen guutooyin ciidan ah oo dul jooga, iyagoona ciidamadaasi ay qoysaskan ku amray in aanay samayn wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay ku abuurayaan rabshad.

Qoysaskan ayaa sidoo kale hore dad ka mid ah oo haween ay ku jiraan xabsiga loo taxaabtay kadib markii loo xukumay qoyska madaxweyne Biixi dhulkii ay deganaayeen tan iyo markii dalka la soo galay, dadkan ayaa xusay in aanu Madaxweynuhu hore dhulkan ugu qabsan haddana awood dawladeed uu u isticmaalayo.

Dhawaan ayay ahayd markii Kaltuun Xaaji Daahir oo ahayd Marwada Madaxweynihii hore Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ay sheegtay in Madaxweyne Muuse Biixi ku haysto dhul ay degan tahay, iyadoo Xustey, in muranka u dhexeeya iyada Madaxweyne Biixi ahaa, mid soo taxnaa tan iyo Madaxweynimadiisa ka hor oo ku sineyd wakhti mudo dheer laga joogo islamarkaana ay labadoodu kawada hadleen Muranka dhulkan islamarkaana madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dhexdhexaadin lagu dhex galey.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Muuse Biixi talada dalka la wareegay ayaa arintani noqonaysa markii afraad ee uu dibada u soo baxo arimo la xidhiidha muran dacwad Dhul oo u dhexeysa Madaxweynaha iyo Qoyskiisa iyo Dad kale.

Wariye: Xamse Jirde

HargeisaPress.com/Hargeysa Office.

LEAVE A REPLY