Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Oo Isku Khilaafey Badelka Wasaaradda iyo Adkeynta Nabedgelyadda

0
2150
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed,ayaa la sheegay in ay isku khilaafeen isku shaandhayn lagu Sameeyo Golaha Xukuumadda taas,oo ay kawada arinsadeen 24kii Sacadood ee lasoo dhaafey islamarkaana, Madaxweynuhu codsi ugu jeediyay Wasiirka in uu Wasaaradd kale ugu badelo Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Qaabilsan dhinaca Amaanka,taas oo aanu aqbalin siweyna ugu gacan seydhay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Dad xogogal ah oo ka ag dhaw Madaxtooyada ayaa caawa fiidkii u Xaqiijiyay Shabakada HargeisaPress, Khilaafkan ayaa Sheegay in uu yahey kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo soo kala dhex galla Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha oo muddo dheer Saaxiibo halgan iyo Saaxiib Siyaasadeed oo Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ah soo Wada ahaa laakiin,muddo lakala baqayay arimo ku Xidhiidhsan Waaqiciga Siyaasadeed ee ay Wakhti Xaadirkan Waajaheen taas,oo Wasiirku ku guulaysan Waayay in uu Wax ka Qabto arinta ugu Xasaasisan Wakhti Xaadirkan dhinaca Amaanka ee Colaada Dagaalka Labada Beelood ee Biciide iyo Sacad Yoonis,oo inta badan Gardaradda iyo Dhibaataddu ay ka timid Beeshiisa(Biciide-Habarjeclo) laakiin aanu Marnaba mudadii uu Xilkan hayay Talaabo ku haboon ka qaadin,oo Dawlladnimada iyo amaanka Somalilandna Waajib ku ah gaar ahaan Shaqadiisa Wasiirka.

Kulankan ayaa la Sheegay,in aanu Ka Tanaasulin codsiga Madaxweynuhu usoo jeediyay Saaxiibkii (Wasiirka Arimaha Gudaha),Maxamed Kaahin Axmed haseyeeshee,uu Saacadihii Dambe dhinaciisa ka Tanaasuley Madaxweyne Muuse Biixi in aanu ka baddelin Xilka Wasaaradda Arimaha Gudaha Wasiir Maxamed Kaahin Axmed Waxaanay isla qaateen sida ilahaasi xaqiijiyeen in Wakhti xaadirkan ay lagama Maarmaan tahey in ay Isbadel ku Sameeyaan Golaha Xukuumada, gaar ahaana Saraakiisha dhinaca Amaanka iyo Saraakiisha Sarsare ee Ciidamada Qaranka.

Maalmihii u Dambeeyay Shacabka Somaliland ayaa si aad ah u hadalhayay,in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland,Maxamed Kaahin Axmed dhaliil badan ku muteystay mudadii uu Xilka Wasaaraddan hayay dhibaatooyin badan oo dhinaca Amaanka ka yimid kuwaas oo aanu habayaraatee u Waajihin Qaab Dawlladnimo iyo Talaabooyinkii loo baahnaa Waxaana loo aaneeyay in uu si dhayaldhayal ah u Waajahay shaqaaqada Ceel-Afweyn ee Soo noqnoqotey,iyo Midii Beelaha Qayaad iyo Bahararsame oo iyaguna si foolxumo ah u dhacey Xukuumadana usoo hooyay Sumcad Xumo weyn kadib markii lagu soo afjarey dhinaca Kililka Shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY