Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Oo Xukuumadda Ugu Baaqay In Ay Gacan Bir Ah Ku Qabato Ciddii Jebisa Heshiiska Ceel-Afweyn

0
722
Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin PHOTO FILE

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay Shirka Ceel-afweyn ee shalay dhamaaday, waxaanu sheegy in cida dambe ee iyadu jabisa heshiiska in talaabo adag laga qaado, meelna laga wada maro.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Marka hore waxa mahad leh ALLAHA, Ceel-Afweyn iskugu keenay wax-garadka, Saylac ilaa Laascanood iyo illaa Baladhan, si xal looga gaadho colaada beelahan walaalaha ah, ALLENA waa uu inagu guulayey, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Culimada dalka, Madax-dhaqameedka, Salaadiinta, Cuqaasha, Siyaasiyiinta , Xukuumadda iyo cid kasta oo Shirkan ka soo qayb gashay. Waxa kale oo aan runtii aad iyo aad ugu mahadnaqayaa ciidamada qaranka, Somaliland oo kaalin lixaad leh ka qaadatay sugidda amaanka, gaar ahaan deegaan kasta oo ku yaala Deegaanada hoos yimaada Ceel-afweyn ciidamadu wey ku sugnaayeen, si ay amaanka u sugaan. Waana ku soo marnay, markaas insha ALLAH Shirkani wuxuu noqon doonaa mid qodobaadaas ka soo baxay ay sidooda u fulaan, dhab ahaana odaygaas la laayey inamada uu dhalay, iyadoo shirka loo fadhiyo, ayaa iyadoo laga baqayo in dhibaatada dhacday ay raad shirka ku yeelato buu la yimid arin lagu wada farxay, oo runtii isfahankan iyo heshiiskan dhacay waxa qayb ka ah odaygaas saamaxada la yimid ALLENA ha sharfo if iyo akhirba”.

Axmed Yuusuf Yaasiin mar uu baaq u diraayey Xukuumadda ayaa yidhi “Mar haddii Shirkii dhammaaday, qodobana la soo saaray, waxaan filayaa in insha allaah qodobaadaasi sidooda u fuli doonaan, balse in qodoba Shirka ka soo baxay sidooda u fulaan waxa laga rabaa inay Xukuumaddu daba gasho, oo ay si joogto ah ula socoto, ta kale waxaan Xukuumadda ugu baaqayaa in talaabo adag ka qaado cida dambe ee qodobadan iyo heshiiskan jabisa,cida dambe ee iyadu colaad hurisa, dagaal dambena rida waa in meel looga soo wada jeesta, oo gacan bira aynu ku qabanaa, maxa yeelay intaas jeer baa gartooda la galay, labadan beelood, intaas oo jeer bay Guurtidu gashay, Dawladdu gashay, imika oo u dambeeyeyna Somaliland oo dhan baa u gurmatay khalad dambe oo la yeelayo iyo gardaro dambe oo la aqbalayaa ma jirto, waxaana ku talinayaa in laga dheerado xumaanta, aanada, dagaalka iyo colaada, waana inaynu mar walba ku dadaalna nabada iyo ilaalinta xasiloonida, waxaana xaqiiqo ah in labadan Beelood ee magacoodu yahay Habar Lamaan inay yihiin laba reer oo walaalo ah, laba reer oo is dhalay, isku waalid ah, wada dhashay, oo aan meelna kala tagaynin”

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here