Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Xukuumadu Ka Hirgelisay Tog-Wajaale

0
282

Tog-Wajaale (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xahdiga ka jaray mashaariic kala duwan oo ay xukuumadu ka hirgelisay magaaladda Tog-Wajaale ee gobolka Gabiley.

Mashaariicdaasi waxaa ka mid ah dhismaha laanta uu baanka dhexe ee Somaliland ku yeelan doono magaallo-ganacsiyeedka Tog-Wajaale, dhismaha cusub ee xarunta dawladda hoose ee Wajaale, Kaawaanka Gawraca xoolaha ee Wajaale, iyo dhisme cusub oo loo dhisay xarunta dab-demiska ee Tog-Wajaale.

Xadhig ka jarista mashaariicdaasi kala duwan waxaa madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiirrada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, agaasimaha guud ee baanka dhexe, wasiirka isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Maaliyadda, guddoomiyaha ururka sarifleyaasha Somaliland.

Badhasaabka gobolka Gabiley, maayarka degmadda Gabiley, xildhibaano ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland, qaar ka mid ah golaha deegaanka Gabiley, iyo sidoo kale madax dhaqameed isugu jiray salaadiin, cuqaal, iyo marti sharaf kale.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY