Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Kayd Biyood Cusub Oo Laga Hirgeliyay Koonfurta Hargaysa

0
1117

Hargeysa (Hargeisa Press): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray   kayd biyood cusub oo laga hir geliyay koonfurta magaaladda Hargaysa.

Kayd biyoodkan cusub oo ay ku baxday lacag dhawr milyan oo dollar ah ayaa wax weyn ka tari doonta biyo yaraanta ka jirta koonfurta Hargaysa. Kaasoo ay maalgelintiisa ka qayb qaadanayso shirkadda SBI.

Xaflad  ballaadhan oo loo qabtay xadhig ka jarista  kayd biyood kan cusub ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka biyaha Somaliland, maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa, ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo haldoorka bulshada Somaliland oo ay ka mid yihiin madaxda dhaqanku.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa si weyn ugu mahad celiyay wakaaladda biyaha ee Hargaysa iyo wasaaradda horumarinta biyaha dedaalka dheer ee ay geliyeen hawshan.

Waxaanu  xusay madaxweyne ku-xigeenku in guud ahaan ba ay biyo yaraani ka jirto caasimadda isla markaana aaanay jirin xaafad xaafad kale ka biyo badani.

C/raxmaan Saylici waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland diyaar u tahay in ay bulshada caasimadda wada gaadhsiiso biyo ku filan.

“Marka hore waxaan hambalyaynayaa cid kastoo ka qayb qaadatay kayd biyood kan casriga ah. Waxaynu  ognahay in guud ahaan caasimadda biyo yaraani ka jirto,  laakiin hadh iyo habeen waxaanu wadnaa dedaal aanu caqabadaas kaga gudubno.

Walaalayaal  biyo waynu u wada baahannahay, mana haboona in aynu siyaasadayno biyaha, xaafadaha caasimadu waa isku wada mid, laakiin diyaar ayaanu u nahay in biyo la helo” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan ay rajo weyn ka qabaan, isla  markaana ay dadaal kooda oo dhan isugu geeyeen sidii caasimadda Somaliland ee Hargaysi u heli lahayd biyo ku filan.

Waxaanu rajo ka muujiyay wasiirku dadaalka biyo ballaadhinta caasimadda loogu jiro wakhtigan.

Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargaysa Maxamed Cali Daarood ayaa ka war bixiyay kayd-biyoodyadan cusub iyo halka ay marayso guud ahaan biyo ballaadhinta caasimadu isagoo sheegay in wakaaladda biyuhu dadaal xoogan gelisay sidii biyo loo gaadhsiin lahaa guud ahaan xaafadaha kala duwan ee caasimadda Hargaysa.

Wuxuu maareeyuhu u mahad celiyay shirkada Cocacola foundation oo gacan weyn siisa Wakaaladda biyaha.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenku waxa uu soo kormeeray kaydad biyood-yada caasimadda Hargaysa loo diyaariyey inay gaadhsiiyaan xaafadda.

isagoo na madaxweyne ku-xigeenku na amaanay dadaalka wakaaladda biyuhu ugu jirto inay caasimadu noqoto mid biyo wada hesha.

 

Hargeisa Press/ Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here