Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo soo afmeeray qorshihii Qarameynta ee Ciidamada Madaniga

0
1497

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey, ayaa Degmadda Qori-lugud kaga qayb-galay Qaramaynta Ciidamadii Maddaniga ahaa ee ugu dambeeyey, isla markaana ugu badnaa iyo Gadiidkoodii Dagaalka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo halkaasi ka hadlay, ayaa is kal furran ugu mahad naqay wayeelka iyo wax-garadka iyo haldoorka iyo guud ahaanba bulshada reer Qori-lugud, maadaama oo ay door shariif ah ka qateen qorshaha Qaran ee Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay in Barmaamijka Qaramaynta Ciidamadda Maddaniga ah uu qiimo weyn u leeyahay Qaranka JSL,.

“Mashruuca Qaramaynta Ciidamada Maddanigu waxa uu ahaa Mashruuc qiimo weyn ugu fadhiya Somaliland, waxana Illaahay mahadii ah in Qori-lugud aan ku soo gebogebayno barnaamijkaasi oo aan soo bilawnay bishii labaad ee sannadkan 2025-ka.” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka JSL  ayaa amray ciidanka Qaranka in ay tallaabada ku haboon ka qaadi doonnaan ciddii shacab ah ee ay hub iyo gaadiid gaashaaman ku arkaan, waxana uu yidhi:

”Waxa aan farayaa Ciidamada Amaanka cidii ay hub iyo Gaadiid ku qabtaan in ay kala wareegaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Ciidanka Qaranku uu yahay Ciidanka keliya ee dalka, isla markaana uu ku fillan-yahay difaaca iyo sugida amniga Qaranka:

“Maanta laga bilaabo dalka Somaliland waxa jira oo kelliya waa Ciidanka Qaranka JSL, isaga ayaana u xil saaran difaaca iyo amniga dalka.”

Ugu Dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa mar kale shaaciyey in ay Ceerigaabo taal gogashii nabadda, taasi oo ay hore ugu dhawaaqday Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad: “Waxa aan mar kale caddaynayaa in ay Ceerigaabo weli taallo gogoshii nabadeed ee aanu hore ugu baaqnay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here