Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Sharaxay Qorshaha Xukuumadda Ee Arrimaha Dhalinyaradda

0
577

“Xukuumadda waxaa ka go’an in si buuxda loo taageerro waxbarashadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda wadanka  iyo barnaamijyadda lagu taageerayo”… C/raxmaan Saylici

“Waxaan idiin sheegayaa in dawladu ay qiimo weyn siinayso dhalinyaradda maadaama ay yihiin cududda iyo tirrada ugu badan ee bulshadda Somaliland”… madaxweyne ku-xigeenka

Hargaysa (Hargeisa Press.com):  Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta dhalinyaradda aduunka oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Munaasibadan lagu xusayay maalinta dhalinyaradda aduunka waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo kaashanaysa dalladda dhalinyaradda ee SONYO, hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO iyo ururka Y-PEER.

Taasoo sanadkan hal-ku dheg looga dhigay in is-bedel iyo horumar lagu sameeyo waxbarashadda dhalinyaradda wadanka (Transformation education).

Waxaana xafladaasi ka soo qayb galay wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka warfaafinta, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka.

Agaasimeyaal guud oo ka socday wasaaradaha dawladda qaarkood,  madax ka kala socotay hay’adaha iyo ururrada qaybta ka ahaa qaban qaabadda munaasibadaasi lagu xusayay maalinta dhalinyaradda aduunka.

Sidoo kale waxaa munaasibadda ka soo qayb galay boqolaal dhalinyaro ah oo isugu jiray Ragg iyo Dumar-ba, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo hormoodka u ah dhalinyaradda Somaliland gaar ahaana kuwoodda guulaha iyo horumarka ka sameeyay arrimaha dhalinyaradda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna ku simaha madaxweynaha  C/raxmaan Saylici, oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadu ay qiimo weyn siinayso arrimaha dhalinyaradda, maadaama oo dhalinyaradu ay yihiin tiradda ugu badan ee  bulshadda Somaliland.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu ka waramay masuuliyadda wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo uu tilmaamay in ay qaranka u xil saaran tahay dhiiri gelinta iyo horumarinta dhalinyaradda wadanka.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa haddii aanu nahay dawladda talladda Somaliland haysa in ay qiimo weyn siinayso xuska maalintan dhalinyaradda aduunka. Maadaama oo dhalinyaradu tahay cududda iyo tirrada ugu badan ee bulshadda dalka jamhuuriyadda Somaliland.

Sida aan wada og-soon nahay, wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaruhu waxay qaranka Somaliland masuul uga tahay, una xil saaran tahay kobcinta iyo dhiiri gelinta iyo horumarinta dhalinyaradda Somaliland.

Haddaba, iyadoo taas laga duulayo awoodda sharci ee ay wasaaradu u leedahay hawshan baaxadda leh, waxay wasaaradu soo qaban qaabisay xuska maalinta caalamiga ah ee dhalinyaradda aduunka, oo ay u jeedadeedu tahay in lagu dhiiri geliyo  dhamaanba dhalinyarradda Somaliland ku nool”.

Mdaxweyne ku-xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in ay xukuumadda ka go’an tahay in la taageero waxbarashadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda, iyadoo barnaamijyadda dhalinyaradda wadanka lagu tkobcinayo uu ka mid tahay barnaamijka shaqo qaran.

“Dawladda Somaliland waxaa ka go’an in si buuxda loo taageerro waxbarashadda iyo shaqo abuurka dhalinyaradda Somaliland.  Barnaamijka lagu taageerayo dhalinyaradda wadanka, waxaa ka mid ah barnaamijka shaqo qaran oo dhalinyarro badan u abuuri doona fursado shaqo, oo xirfadoodda iyo noloshoodaba kor loogu qaadayo”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boose Mirre Maxamed, oo xafladda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dhalinyaradda looga baahan yahay in ay muhiimadda koowaad u tahay xukuumadda talladda haysa siyaasadeedda ku aadan dhalinyaradda.

Waxaanu yidhi “Dhalinyaradda waxaan u sheegayaa in xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenkii oo halkan (xafladda) inala jooga, in ay siyaasadeedu tahay in muhiimadda koowaad la siiyo dhalinyaradda. In la caawiyo lana taageerro dhalinyaradda”.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo isna munaasibadaasi ka hadlay ayaa dhalinyaradda ku tilmaamay in ay yihiin xooga dalka, waxaanu dhalinyaradda ku booriyay dhalinyaradda in aanay ka waxba ka fekerin wakhtigii ka lumay.

“Waa maalintii xooga qaranka Somaliland. Waxaanan ILLAAHAY (SWT) idiinka rejaynayaa in aydaan tebin maalmihii idin dhaafay, oo idinkoo annaga na  laa le’eg aydaan is odhan weli da’yarro  ayaad tihiin”ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Dhinaca kale waxaa munaasibadaasi hadalo ka jeediyay guddoomiye ku-xigeenka dalladda dhalinyaradda Somaliland ee SONYO iyo agaasimaha fulinta ee hay’adda HAVOYOCO, waxaanay sheegeen in u jeedadda laga leeyahay xuska maalintani ay tahay in lagu dhiiri geliyo dhalinyaradda Somaliland ee hal-abuurka sameeyay.

Waxaanay masuuliyiintaasi tilmaameen in dhalinyaradda ay masuuliyad ka saaran tahay in ay yeeshaan dareen muwaadin-nimo, isla markaana ay ku dedaalaan kobcinta aqoontoodda iyo xirfadaha. Iyagoo xusay in dhalinyaradda looga baahan yahay in ay hormood u noqdaan.

Sidaas darteedna halkii dhalinyaradu ay shaqo ka raadin lahaayeen ay iyagu kuriyaan fikraddo ganacsi iyo shaqo abuur.

Gebagabadii  munaasibadaasi lagu xusayay maalinta dhalinyaradda aduunka waxaa halkaasi shahaadooyin lagu guddoonsiiyay qaar ka mida ahaa dhalinyaradii la timid curinta iyo hal-abuurka ganacsi iyo xirfadaha shaqo iyo sidoo kale kuwo dedaallo muujiyay.

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY