U Jeedadda Safar Kedisa Oo Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Ku Tegay Boorama

0
664

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wefti wasiirro iyo masuuliyiin kale ay ka mid yihiin ayaa galabta gaadhay magaaladda Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Waxaana degaanka Goroyo Cawl oo u dhaw Boorama weftiga madaxweyne ku-xigeenka ku soo dhaweeyay badhasaabka gobolka Awdal, maayarka Boorama, xubno ka tirsan golaha degaanka Boorama, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Si cad looma sheegin u jeedadda rasmiga ah ee ka danbaysay safarkan uu C/raxmaan Saylici ku tegay Boorama.

Maaadaama aan hore loo soo ogayn ama aan loo sii shaacinin safarkiisa, isla markaana uu yahay mid kedis ku yimid.

Halkan Hoose  Ka Daawo Soo Dhawaynta Saylici Ee Boorama iyo Wasiirro Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY