Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Masuuliyiin Ka Socday UNCEF iyo UNFPA

0
623

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka kala socday  hay’addaha  UNICEF iyo UNFPA.

Labadan sarkaal ayaa kala ahaa  Mr. Werner Schultink oo ah madaxa hay’adda caalamiga ah ee UNICEF ee dhawaan loo soo magacaabay  u qaabilsanaha Somaliland iyo Mr.Anders thonson oo ah madax hay’adda  UNFPA,  u qaabilsan arrimaha dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo ku qotomay kulanka masuuliyiinta hay’adahaas iyo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Kulanka dhexmaray madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo masuuliyiintan ka socday hay’adaha UNICEF iyo  UNFPA ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qaramadda midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya ee dhinaca arrimaha bulshada.

Sidoo kale sidii loo sii laba jibbaari lahaa mashaariicda horumarineed ee qaramadda midoobay ka waddo gudaha dalka Somaliland.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka  C/raxmaan Saylici, oo saraakiishaa ku soo dhaweeyay dalka, maddaama ay ku cusub yihiin xafiisyadda UNICEF iyo UNFPA ay kaga hawl-galaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyagoo bedelay masuuliyiintii hore  madaxda uga ahaa xafiisyadda hay’adahaas ee dalka Somaliland.

Dhinaca kale waxaa labadan masuul kulan ay la yeesheen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayay xubno kale oo isugu jiray ajaanib iyo Soomaali oo ka tirsan shaqaalaha hay’adda UNFPA iyo UNICEF ee ka hawl gala xafiisyadda hay’adahaas ee Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY