Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo La Kulmay Dhallinyaro Loo Carbinayo Hoggaaminta

0
781

Hargeysa (HargeisaPress)—Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay 24-dhallinyaro ah oo ka kala socota gobollada dalka, kuwaas oo loo carbinayo hoggaaminta wanaagsan.

Dhallinyaradan oo haatan wax ku barata Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay gacanta ku hayso hay’adda waddaniga ah ee CPA, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyey xarunta qasriga madaxtooyada, isaga oo warbixin ku saabsan isbeddelka ku yimi qiyamkooda dhinaca hoggaaminta muddadii ay ku jireen carbiska dhinaca hoggaaminta ah.

Xubno macallimiin iyo maamul isugu jira oo ka socda hay’adda waddaniga ah ee CPA, oo ay hormuud u ahaayeen Ismaaciil Xuseen Maxamed (Farjar), Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Xasan Cabdi Madar ayaa dhinacooda ku dheeraaday tacabka ay geliyeen ardayda ku hawllan barashada cilmiga hoggaaminta, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay da’yartani hayaan jidkii ay ku gudan lahaayeen waajibka ka saaran qarankooda.

 Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Maxamed Daahir Axmed iyo wasiir-ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Muuse Diiriye oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay xil iska saaraan waddaniyadda iyo  ka qayb-qaadashada horumarka dalkooda, islamarkaana tusaale fiican ay u noqdaan dhammaanba da’yarta reer Somaliland.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa da’yarta baranaysa hoggaaminta u muujiyey in xukuumaddu mar walba diyaar u tahay inay soo dhaweyso da’yarta ku hubaysan hoggaaminta toolmoon, iyaga oo dhallinyaraduna dhinacooda madaxweyne-ku-xigeenka weydiiyey su’aalo ku saabsan hannaanka ay ha’ayadaha kala duwan ee dawladdu u shaqeeyaan, islamarkaana soo bandhigay talooyin ay u arkaan inay wax ka tari karaan horumarka qaranka.

Dhallinyaradan oo isugu jirta wiilal iyo gabdho, islamarkaana lagu soo xulay imtixaan laga qaaday 113 qof oo barnaamujkan soo codsaday, ayaa dhinacooda uga mahadnaqay madaxweyne-ku-xigeenka muhiimadda ay xukuumaddu siisay da’yarta iyo sida xilka isaga saartay in da’yarta lagu aamino xilal sare oo hoggaamintooda lagu tijaabinayo.

 

LEAVE A REPLY