Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo kulan La Qaatay Waxgaradka iyo Dhalinyaradda Boorama

0
734

Boorama (HP): Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo muddo todobaad ka badan  ku sugan magaaladda Boorama ayaa kulan la qaatay waxgaradaka iyo dhalinyaradda magaaladaasi.

Kulankaasi ayaa qayb ka ah kulamo is daba joog ahaa oo maalmihii u danbeeyay ay madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu la yeelanayeen qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda Boorama.

Iyadoo kulamadaasi ay la xidhiidheen adkaynta amniga iyo sidii bulshadda Awdal ay uga fogaan lahaayeen waxyaabaha dhibaatadda ku keeni kara amaanka gobolka.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa kulankaasi ku wehelinayay wasiirrada beeraha, ganacsiga iyo wershadaha, caafimaadka, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda iyo sidoo kale maayarka Boorama iyo badhasaabka Awdal.

Kulankaasi ayaa lagu sheegay mid lagu soo af-meerayo kulamadii xidhiidhka ahaa ee madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisu ay bulshadda Boorama la yeelanayeen.

Halkan Ka Daawo Hadaladii Laga Jeediyay Kulankaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY